Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa ka hadlay iska horimaad Isniintii ka dhacay deegaanka Shiila-madow oo 20km waqooyi galbeed kaga beegan Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, laguna boobay hub ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, ka dib markii laga keenay dhinaca dalka Itoobiya.
Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug oo hubkan gaadiid ku siday ayaa waxaa Shiila-madow ku weeraray maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah, iyadoona halkaasi uu ka dhacay dagaal ay ku dhinteen 10 qof oo labada dhinac. Maleeshiyadan ayaa waxaa u suurtagashay inay si buuxda ula wareegaan hubkaasi, oo isugu jiray AK47, PKM, dhashiike, bastoolado iyo rasaas fara-badan, ka hor inta aysan shacabku u fasixin inay boobaan.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in dhacdo la yaab leh ay ka dhacday deegaankaasi, waxaana uu sheegay in hadda ay baaritaan wadaan, cid kastoo falkaasi lagu helana ay sharciga la tiigsan doonaan.
“Dhacdo la yaab leh ayaa meesha ka dhacday oo masuuliyad darro ah, dad shacab ahna hub uu gacanta u galay, shacab hub gacanta u galayna dhibaatadiisuu leeyahay, wax kastaa ka imaan kara.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyay “Baaritaankeennii iyo shaqadiina waan wadnaa, cid kastoo lagu helo arrintaas-na caddaaladdaa la horkeeni doonnaa, haddii Alle idmo.”
Wasiirka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday ciidamada uu ka dambeeyay, ka dib markii warka hubka la soo qabtay uu ku faafay shacabka dhexdiisa.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay ka hortaggeen hubkaasi oo la doonayay in si sharci darro ah dalka lagu soo geliyo, weerarkana ay la kulmeen, markii ay gudaha ula soo dhaqaaqeen, inkastoo aanu sheegin goobta lagu qabtay hubkaasi iyo weliba halkii loo waday.
Waxa uu sheegay in dagaalka ka dib shacab qamaamaya ay u suurtagashay in dhinacooda ay hubkaasi kala deggaan gaadiidkii ay ciidamadu gelbinayeen.
Waxa kaloo uu sheegay in la boobay laba gaari oo midi ay qoryo saaran yihiin, midna rasaas saaran tahay, isagoona muujiyay walaaca amni ay arrintan ku hayso.
“Waa arrin la dhihi karo waa dhibaato soo korortay oo keentay khasaare xoog leh.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.
Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), Wasiirka Amniga Galmudug ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad uu tiradoodu ku sheegay illaa soddon qof.
Inkastoo Wasiir Gaboobe aanu si sax ah u sheegin cidda hubka iska leh, haddana qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in dad qowleysato ah oo ku caanbaxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darrada ah ay ka dambeeyeen.
Wasiir Gaboobe ayaa sheegaya in kolka baaritaanka la soo geba-gabeeyo ay si cad ah u sheegi doonaan cid kastoo hubkaasi dalka soo gelineysay.
Wasiirku ma sheegin, haddii hubkaasi cid lagu soo qabtay iyo haddii kaleba, markii ciidamadu ay gacanta ku soo dhigayeen.
Hubkan oo ahaa mid aad u fara-badan ayaa la kala geeyay deegaanada ku xeeran Magaalada Caabudwaaq, qaybtoodna waxaaba lagu arkay sida ay dadka deegaanka soo sheegayaan gudaha magaaladaas, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ay wadaan abaabul ay dib gacantooda ugu soo celinayaan hubkaasi.
Dowladda Federaalka ayaa Talaadadii sheegtay inay ka xun tahay falkaasi ay maleeshiyadaasi jidka ugu gashay ciidamadii waday hubka. Dowladda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ka ganacsiga hubka sharci darrada ah uu fursad u yahay kooxaha argagixisada, qayb weyna uu ku leeyahay hurinta colaadaha beelaha.
“Dowladda Federaalka waxay Odayaasha Dhaqanka iyo shacabka deegaanka fareysaa in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.” Ayaa lagu yiri warka Dowladda Federaalka.
Waa hubkii ugu badnaa ay shacabku ku boobaan Gobolada Dhexe, tan iyo burburkii Dowladdii Militariga.
Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli deegaanada Galmudug ay ku soo badanayaan dilalka aanooyinka qabaa’ilada iyo isku dhacyada hubeysan ee beelaha.