Home Wararka Maanta Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka oo lagu dhaariyay Muqdisho (SAWIRRO)

Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka oo lagu dhaariyay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Kulan ay maanta Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyay qaar ka mid ah Wasiiradii uu 7-dii bishan soo magacaabay Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaaraha ayaa is bedel ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, isagoona kuwo kale magacaabay.

Wasiirada la dhaariyay oo afar gaarayay ayaa waxaa dhaariyay Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.

Xubnaha la dhaariyay ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Amniga, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiirka Tamarta & Biyaha, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadda, Maxamed Aadan Macalin.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Wasiirada cusub kula dardaarmay in xilkooda ay u gutaan si masuuliyad ku jirto, uguna adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Axmed Macalin Fiqi oo horey ugu magacawnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, loona magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Axmed Cumar Maxamed oo isna loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimilada ayaan labaduba la dhaarin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc