Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday dalka

Wasiirka Amniga oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday dalka

by Laacib

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qaybo ka mid ah dalka.

“Waa in si degdeg ah loo joojiyaa dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada, gaar ahaan galbeedka Gaalkacyo iyo meelaha ku dhow dhow.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Dagaalada ka soo cusboonaaday Hirshabelle, gaar ahaan Ceelbaraf in si degdeg ah loo joojiyo ayaan ku baaqayaa.”

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Dacawaley ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wasiirka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in dadku ay wada yihiin Soomaali, isla-markaana aysan jirin sabab ay dhexdooda u dagaalaamaan.

“Soomaali waa Soomaali, waxba kala ma ahan, waxey kala wataan ma lahan, wax siyaasad ah yaan laga eegin, meel kastoo joogtaan Soomaali baa tihiin, waa la isku imaan doonnaa Ilaahay idinkiis.” Ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa beelaha dagaalamaya ku adkeeyay in ay nabadda qaataan, si shuruud la’aan ahna ay dagaalka u joojiyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa inay nabadda qaataan, shuruud la’aana ay ku joojiyaan dagaalada, laga bilaabo Ceelbaraf, meesha Galdogob & Gaalkacyo u dhaxeyso iyo meeshaas kaloo la yiraahdo Dacawaley.” Ayuu yiri Fartaag.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc