Home Wararka Caalamka Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo sheegay inaysan ka tanaasuli doonin dagaalka Xamaas

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo sheegay inaysan ka tanaasuli doonin dagaalka Xamaas

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa sheegay in Tel Aviv aysan wax gorgortan ah ka geli doonin in meesha laga saaro awoodda militari ee Ururka Xamaas.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulkoodu aanu damaanad qaadi karin dhameystirka saddex wareeg ee heshiiska xabad joojinta, inkastoo sida uu sheegay ay daneynayaan in la soo sii daayo dhammaan maxaabiista Israel ee lagu hayo gudaha Gaza.

“Israel kama tanaasuli doonto hadafyadeeda dagaalka, ee ah burburinta awoodda militari ee Xamaas iyo awoodaha ay ku maamuli karaan Gaza. Ma jirto wax damaanad ah oo lagu guuleysan karo in la xaqiijiyo saddexda weji ee xabad joojinta Gaza.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa Saraakiisha Xamaas ku eedeeyay inay shaaciyeen in ay mar labaad gaysan karaan weerar la mid ah midkii ay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

“Sidaasi daraadeed ma ogolaan doono inay Xamaas sii haysato awood ciidan oo Gaza ka jirta, waxaana Israel ka go’an fikradda baabi’inta ee Xamaas.” Ayuu yiri Wasiirka.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Israel ma aqbali doonto xukunka Xamaas ee Gaza. Illaa iyo inta Xamaas ay xukunka sii hayso, ma jiri doonto nabad, amni iyo xasillooni ka dhacda Bariga Dhexe.”

Wasiir Sa’ar ayaa intaasi ku daray “Waxaan rajeynaynaa in qaabka lagu sii deynayo la haysteyaasha uu sii socon doono illaa dhammaadka, laakiin dabcan taas ma damaanad qaadi karno. Kama tagi doono ujeeddooyinkayaga.”

Israel iyo Xamaas ayaa 15-kii bishan ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah oo dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar, Masar iyo Mareykanka ay ku doonayaan in si buuxda loogu soo afjaro dagaalka Gaza.

Israel oo muddo dheer diidaneyd heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ogolaatay heshiiskan ugu dambeeyay, iyadoo Xamaas ay tahay awoodda weli maamuleysa Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc