Wasiirka Caddaaladda Somaliya, Xasan Macalin Maxamuud ayaa maalintii labaad boqolaal qof oo shacab ah kula ciiday Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Wasiirka ayaa Axaddii Salaadda Ciidda la tukaday dadka reer Dayniile, waxayna isaga iyo xubno kale oo Wasiiro ah ay waqti ku qaateen daafaha degmadaasi.
Wasiirka iyo boqolaal shacab ah oo maanta socod ku soo maray waddada dheer ee Dayniile ayaa damaashaadka ciidda la qaybsaday dadka ku dhaqan xaafadda Gubta ee degmadaasi, wuxuuna socdaalkiisu la xiriiray mid uu ugu kuurgelayo horumarka ka jira xaafadaasi.
Wasiirka ayaa degmada kaga qaybgalay kulan uu warbixino la xiriira horrumarka amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka kaga dhageystay waxgaradka deegaanka.
Wasiirka oo goobta ka hadlay ayaa dadka reer Dayniile ku booriyay adkeynta midnimada, nabadda iyo xasilloonida dalka.
Wasiir Xasan Macalin oo shacabka la sii qaybsanayay farxadda ciidda ayaa ugu dambayn soo xiray tartan ciyaareedkii kubadda cagta ee bisha Ramadan lagu qabtay xaafadda Gubta.
Wasiirka ayaa dadka xaafadaasi degan ku dhiirigeliyay inay sii xoojiyaan dadaaladooda horumarineed, gaar ahaan amniga iyo waxbarashada.
Degmada Dayniile ayaa sanadihii u dambeeyay sameynaysay horumar la taaban karo, taas oo ay ugu wacan tahay is bedelka amni ee muddooyinkanba ka jiray degmadaasi.