Home Wararka Caalamka Wasiirka Difaaca Israel oo kormeeray xerada la weeraray ee Binyamina

Wasiirka Difaaca Israel oo kormeeray xerada la weeraray ee Binyamina

by Laacib

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa maanta booqday xerada lagu tababaro Ciidamada Israel ee ku taala koonfurta Magaalada Haifa.

Xisbullah ayaa xalay weerar loo adeegsaday drone ku weerartay Xerada Binyamina oo lagu tababaro Ciidanka Difaaca Israel, gaar ahaan Guutooyinka Golani.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay si farsameysan uga baxsatay hannaanka difaaca hawada ee Israel, tani oo hadal hayn badan ka dhalisay gudaha Israel.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in Israel ay dersi ka baran doonto weerarkan, si looga gaashaanto weerarada ceynkani oo kale ah.

Wasiirka oo la hadlayay Saraakiisha Guutooyinka Golani ee xeradaasi ku sugan ayaa dhacdada ku sheegay mid xanuun badan, balse ay tahay inay wax ka bartaan.

“Tani waa dhacdo adag oo natiijooyin xanuun badan leh.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyay “Waa inaan baarnaa, baranaa faah faahinta oo aan cashar ka baranaa, si degdeg ah oo xirfad leh.”

Wasiirka ayaa yiri “Annaga oo wajahayno khatarta drones-ka, waxaan xoogga saaraynaa, si heer qaran-na aan ugu howlanahay horumarinta xalal gacan ka gaysan kara wax ka qabashada khatarta.”

Wasiir Gallant ayaa xerada u tegay qiimeynta burburka hoolka cuntada ee xerada, oo ah goobta lagu beegsaday askarta.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi oo isna booqday xerada ayaa sheegay in ay dagaal ku jiraan, isagoona qiray in weerarku uu ahaa mid halis ah.

Taliyaha ayaa askarta ku ammaanay inay u dhaqmeen si sax ah, marka aad eegto daadgureynta meydadka iyo dhaawacyada ee askarta.

Militariga Israel ayaa qirtay in weerarka lagu dilay afar askari, lixdan kalena ay ku dhaawacmeen.

General Herzi Halevi, Taliyaha Ciidamada Israel ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Xisbullah iyo weliba tababarka ciidamada.

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadu ay dersayaan xaaladaha ku xeeran xerada.

Israel ayaa markii hore isku dayeysay inay qariso in la beegsaday saldhiggan, balse nin askari ah ayaa aaladda Tiktok soo dhigay in la garaacay Xerada Binyamina, iyadoo Warbaahinta maxaliga ah ay markii dambe bilowday inay si sax ah uga warbixiso qaabka uu weerarku u dhacay.

Xeerarka faafreebka Israel ayaa Warbaahinta ka hortaagan inay si caadi ah u soo tebiyaan goobaha la weeraro iyo khasaaraha ay gaystaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc