Home Wararka Maanta Wasiirka Difaaca oo ka hadlay duqaymihii ay diyaaradaha Itoobiya ka fuliyeen Gobolka Sh/dhexe

Wasiirka Difaaca oo ka hadlay duqaymihii ay diyaaradaha Itoobiya ka fuliyeen Gobolka Sh/dhexe

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya habeenkii Talaadada ka fuliyeen duleedka deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Daaru-nimca oo hoostagta Degmada Ruunirgood ayaa hawdkeeda dhowr jeer lagu duqeeyay xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, oo sida la sheegay halkaasi soo galay.

Wasiirka Difaaca Somaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Muqdisho iyo Addis Ababa ay iska kaashanayaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay in duqaymahaasi ay wax ka ogaayeen ayaa sheegay in dalka aanu ka dhicin duqayn aysan Dowladda Soomaaliyeed ka warqabin, dhammaana ay ku dhacaan ogolaanshaha Madaxda Qaranka.

“Waan la ogayn, annagaa hagaynay, annagaana ka shaqaynay.” Ayuu yiri Wasiir Jaamac oo wax laga weydiiyay bartilmaameedka duqaymahaasi ayaa ku jawaabay “Dhammaantood cadowga Khawaarijta bartilmaameedyada ay joogaan ayay ahayd.”

Su’aal ahayd waxa hadda keenay in Dowladda Itoobiya ay xagga cirka ka garaacdo Al Shabaab, maadaama aan looga baran weerarada ceynkaasi oo kale ah ayaa sheegay in labada dowladood ay dhawaan ku heshiiyeen Muqdisho, si la isaga kaashado la dagaalanka Al Shabaab.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladda Itoobiya saad la socotidba halkan ayay ku heshiiyeen, sidoo kale waxay ka heshiiyeen arrimihii ka mid noqoshada ATMIS/AUSSOM oo Dowladda Soomaaliyeed ay u ogolaatay Dowladda Itoobiya inay ka mid noqoto. Waxaa laga heshiiyay in la iska kaashado dagaalka Khawaarijta, dhammaan arrimahaasi laga heshiiyay ayay qayb ka yihiin in diyaarado ay Itoobiya leedahay oo Ciidanka Xoogga Dalka hagayo ay Khawaarijtu ku dul dhacaan gantaaladooda.” Ayuu yiri Wasiirku.

Waa markii ugu horreysay oo diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqaymo ka fuliyaan Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli Shabaabku ay culeys soo saareen gobolkaasi.

Duqaymahan ayaa imanaya, iyadoo Dowladda Itoobiya ay xaqiijisay in ciidamadeeda ay qayb ka noqon doonaan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo Villa Somalia lagaga taageerayo la dagaalanka Shabaab.

Itoobiya ayaa waxaa dalka ka jooga dhowr kun oo ka mid ah militarigeeda, kuwaa oo intooda badan ku sugan Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc