Home Wararka Caalamka Weerar ka dhacay iskuul ku yaala Gaza oo dad fara-badan ay ku dhinteen

Weerar ka dhacay iskuul ku yaala Gaza oo dad fara-badan ay ku dhinteen

by Laacib

Israel ayaa kordhisay weerarada ay ku hayso iskuulada ku yaala Marinka Gaza, iyada oo xalayna weerartay dugsi ay gabaadsanayeen qoysaska barakacayaasha.

Ciidanka Cirka Israel ayaa garaacay afaafka hore ee Dugsiga Al-Awda ee deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.

Duqayntan ayaa loo gaystay albaabka laga galo dhismaha iskuulkaasi, xilli dhaqdhaqaaqa dadku uu ku badnaa goobtaasi.

Dugsiga Al-Awda ayaa ku yaala xaafadda Abasan Al-Kabira, oo billihii May iyo June ay buuxiyeen qoysas fara-badan oo Ciidamada Israel ay ka soo barakaciyeen deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, ka dib markii 7-dii bishii May ay Rafah ka bilaabeen hawlgal dhinaca dhulka ah.

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganeysa ilo caafimaad ayaa ku warantay in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen duqaynta.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa lagu sheegay in duqayntii xalay fiidkii ay ku dhinteen 29 qof, isla-markaana ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Meydadka dadkii ku dhintay duqayntan iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka Nasser ee ku yaala Khan Yunis.

Waa weerarkii afaraad ee ay Israel u gaysato iskuul ku yaala Marinka Gaza, dhowrkii cisho ee ugu dambeysay.

Ciidamada Israel ayaa Sabtidii duqeeyay Dugsiga Al-Jawni ee xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, kaas oo Qaramada Midoobey ay maamusho. Inta la xaqiijiyay 16 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, 75 kalena ay ku dhaawacmeen. Axaddii weerar ay u gaysteen Dugsiga Holy Family ee galbeedka Magaalada Gaza ayaa waxaa ku dhintay afar qof. Isniintiina waxay weerareen iskuul kale oo Hay’adda UNRWA ay gacanta ku hayso oo ku yaala xerada Nuseirat.

Israel oo bulshada caalamka kala kulmeysa cambaareyn xoog leh ayaa mar kasta oo ay beegsato iskuul waxay qiil ka dhigataa inay weerartay xarun ay Xamaas ku dhex laheyd, balse inta badan dhibaneyaasha weeraradooda ayaa ah hooyooyin iyo dhallaan.

Talaadadii waxay shacabka reer Gaza u ahayd maalin kale oo dad fara-badan ay ku waayeen weerarada ay Israel ka waddo gebi ahaanba Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc