Askari 5aad oo ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ayaa maanta lagu dhaawacay xuduudda Israel iyo Lubnaan, ka dib markii rasaas lagu furay aagga khadka buluugga oo ay degan yihiin.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka UNIFIL ayaa lagu sheegay in askari ka tirsan Ciidanka Qaramada Midoobey ay haleeshay rasaas aan la garaneyn cidda soo ridday, xilli ay kordheyso xiisadda ka taagan deegaanada xuduudda ee labada dal.
Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ayaa ku dagaalamaya nawaaxiga deegaanada Naqoura iyo Labbouneh ee xuduudda Lubnaan, halkaas oo Ciidamada Israel ay isku dayayaan inay ka galaan dalkaasi, balse ay ka hortaagan tahay Xisbullah, waana halka ay degan yihiin Xoogaga UNIFIL, ayna ku yaallaan xarumaha kale ee Qaramada Midoobey.
“Waxaan xasuusinaynaa dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran inay ilaaliyaan ammaanka Ciidamada & Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo weliba xarumaha, oo ay ku jiraan in dagaalka laga fogeeyo meelaha u dhow UNIFIL.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska UNIFIL.
Hawlgalka UNIFIL ayaa horey Ciidamada Israel ugu eedeeyay inay si ula kac ah rasaas ugu fureen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey iyo laba goobood oo kale oo Qaramada Midoobey ay ku leedahay deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan. Rasaastaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay afar ka mid ah Ciidanka Nabad Ilaalinta.
Khamiistii laba askari oo u dhashay dalka Indonesia ayaa la dhaawacay, ka dib markii Ciidamada Israel ay raaas ku fureen xerada ay degan yihiin ee ku taala Naqoura.
Laba askari oo kale oo u dhashay dalka Sri Lanka ayaa Jimcihii lagu dhaawacay isla goobta, ka dib rasaas ka timid dhinaca Ciidamada Israel, sida uu xaqiijiyay Hawlgalka UNIFIL.
Weerarkan ugu dambeeyay ee maanta dhacay ayaa imanaya, xilli Madaxweyne Joe Biden uu Israel ugu baaqay inaysan ciidamadeedu weerarin Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.
Weeraradan ayaa waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres.
Dalalka reer Yurub, sida Faransiiska, Spain iyo Talyaaniga ayaa sheegay inaanan la aqbali karin ficilada ceynkaasi oo kale ah.
Saddexduba waxay ka mid yihiin kontonka dal ee ciidamada ku taageeray Hawlgalka Qaramada Midoobey ee UNIFIL.