Home Dhacdooyin Weerar markab oo ka dhacay meel aan looga baran in Xuuthiyiinta ku weeraraan maraakiibta

Weerar markab oo ka dhacay meel aan looga baran in Xuuthiyiinta ku weeraraan maraakiibta

by Laacib

Weerarkan oo la tuhunsan yahay in ay gaysteen Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa ka dhacay meel aad uga fog goobaha ay inta badan Xuuthiyiintu ka gaystaan weeraradooda maraakiibta.

Markabka la weeraray oo ahaa nooca ganacsiga ayaa la sheegaya in maanta lagu weeraray meel 280 meyl koonfur bari kaga beegan Nishtun, oo ah magaalo ku taal cirifka fog ee Yemen oo u dhow xuduudda Cumaan.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa xaqiijisay weerarka markabka, inkastoo aysan sheegin dalka laga leeyahay.

“Shaqaalaha ayaa lagu soo waramayaa inay badqabaan, markabkuna wuxuu u socdaa dekeddiisa xigta.” Ayay UKMTO ku sheegtay war ay soo saartay.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu weerarku ka dhacay ay waqooyi bari kaga beegan tahay Jasiiradda Socotra ee Yemen, oo ay gacanta ku hayaan xulafada Dowladda Yemen ee dagaalka kula jira Xoogaga Xuuthiyiinta.

Goobtan ayaa waxaa mararka qaarkood weeraro afduub ka gaysta kooxaha burcad badeedda Soomaalida, oo iyagu shirkadaha maraakiibta ku khasba in ay bixiyaan lacag madax furasho ah.

Xuuthiyiinta ayaan illaa iyo hadda sheegan masuuliyadda weerarka, waxaase suurtagal ah in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa si weyn hoos ugu dhigay shixnadaha ganacsi ee isaga kala gudba marinka ugu weyn ee isku xira Bariga Dhexe iyo Asia inteeda kale.

Weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa jawaab u ah duulaanka Ciidamada Israel ee Marinka Gaza.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa ku hanjabay in weeraradooda ay noqon doonaan kuwo dheg la qabto aan lahayn, illaa iyo inta uu dagaalka ka socdo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc