Xubno ka mid ah dableydii maleeshiyada Al Shabaab ee shalay weerartay Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne ayaa la soo sheegaya in weli ay ka dhex dagaalamayaan hotelkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in la dilay inta badan xubnihii dableyda, laakiin laba ka mid ah ay illaa iyo hadda awoodeen inay weerarka sii wadaan.
Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa deegaanka iyo Hawlgalka Midowga Afrika ayaa ku sugan goobta, waxayna la tacaalayaan, sidii ay weerarka u soo afjari lahaayeen.
Ciidamada ayaa xiray waddooyinka soo gala hotelkaasi oo ku yaala xaafadda Howlwadaag ee galbeedka Beledweyne.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in mararka qaar ay maqlayaan rasaas xoog leh oo goobta ka dhaceysa, mararka qaarkoodna ay rasaastu goos goos tahay.
Nabadoon Islow Rooble oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu bilowday Salaaddii Subax ee shalay.
Nabadoonka ayaa beeniyay in shir uu ka socday hotelkaasi, xilligii uu weerarku bilaabanayay.
Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray hotelkaasi, waxaana qaraxa ka dib gudaha u galay rag ku hubeysanaa qoryaha daran-dooriga u dhaca.
Qaraxyo kaloo xoogan ayaa shalay illaa xalay laga maqlayay aagga uu hotelka ku yaalo.
Saqdii dhexe ee xalay rasaas xoog leh ayaa is qabsatay xaafadda Howlwadaag, iyadoona masuuliyiinta aysan illaa iyo hadda ka hadlin waxa ay rasaastaasi ahayd. Intii ay rasaastaasi socotay ayaa jug xoogan laga maqlay aagga hotelka.