Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maanta soo geba-gabeynaya wejiga koowaad ee heshiiska maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac, oo lagaga faa’iideysanayo lixda toddobaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza.
Xamaas ayaa waxay maanta sii deysay lix maxbuus oo Israeliyiin ah, iyadoona ku bedelatay in ka badan 600 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel, inkastoo Israel aysan weli sii deynin tirada maxaabiistaasi.
Israel ayaa waxaa dhankeeda laga sugayaa in ay xorriyaddooda siiso maxaabiistaasi, maadaama ay Sabtidan ku egtahay xilliga lagu heshiiyay in lagu sii daayo qaybta ugu dambeysa ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.
Israel iyo Xamaas ayaa bartamihii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo midka horena uu soconayo muddo 42 cisho ah. Ka hor inta aysan dhammaan mudddada xabad joojinta ayuuna heshiisku ahaa in lagu sii daayo maxaabiista.
Hisham Al Sayed oo ah maxbuuskii ugu dambeeyay ee laga sii daayo Marinka Gaza ayaa noqday kii ugu dambeeyay ee Xamaas ku sii deyso wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac.
Labada dhinac ayaa January 15-keedii dalka Qatar ku gaaray heshiis xabad joojin ah, oo ay garwadeen ka ahaayeen dalalka Qatar, Masar iyo Mareykanka.
Xabad joojinta ayaa 19-kii January ka dhaqangashay Marinka Gaza, iyadoona isla maalintaas ay labada dhinac sii daayeen qaybtii ugu horreysay ee maxaabiista.
Heshiiska ayaa dhigaya in Xamaas ay sii deyso 33 Israeliyiin ah oo isugu jira kuwo nool iyo kuwo dhintay, halka Israel ay iyana tahay inay sii deyso ku dhawaad laba kun oo Falastiiniyiin ah oo xabsiyadeeda ku xiran.
Dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar ayaa rajeynaya in labada dhinac ay bilaabaan wada hadalada lagu xaqiijinayo wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta, ka hor inta aysan dhammaan maalmaha ka harsan webiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa sheegay in wada hadalada marxaladda labaad la qorsheeyay in ay bilaabaan toddobaadkan.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin hirgelinta heshiiska, haddii Israel ay iyana diyaar u tahay.
Heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa muhiim u ah xasilloonida Gobolka Bariga Dhexe.