Home Wararka Caalamka Wejiga koowaad ee xabad joojinta Gaza oo dhammaaday, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin

Wejiga koowaad ee xabad joojinta Gaza oo dhammaaday, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin

by Laacib

Wada hadaladii ugu dambeeyay ee Xamaas iyo Israel uga socday dalka Masar ayaan wax horumar ah laga samayn, si loogu gudbo marxaladda labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac.

Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ku ekaa Sabtidii, ka dib markii 19-kii bishii January uu ka dhaqangalay Marinka Gaza, labada dhinacna ay maxaabiis isku dhaafsadeen.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa tan iyo Khamiistii waday dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac, si loo badbaadiyo xabad joojinta Gaza, loona xaqiijiyo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray.

Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejigiisii koowaadna uu soconayo lix toddobaad, marxaladda labaadna ay Israel ciidamadeeda kala wada baxeyso Marinka Gaza.

Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay inaanan wax horumar ah laga gaarin wada hadaladii Qaahira, ka dib markii Israel ay shuruudo cusub la timid miiska.

Xamaas waxay sheegtay in Israel ay dooneyso inaysan gelin marxaladda labaad ee heshiiska, balse ay dooneyso in lagu sii socdo wejiga koowaad, si maxaabiista harsan loogu sii daayo, ciidamadeedana ay u sii joogaan meelaha ay haatan ka joogaan Gaza, taasna ay baalmarsan tahay wixii horey loogu heshiiyay.

Marxaladda labaad ayaa loogu gogol-xaarayay inay bilow u noqoto soo afjaridda colaadda Gaza.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegaya in dhankooda ay diyaar u yihiin inay galaan marxaladda labaad ee heshiiska lagu xaqiijinayo xabad joojin joogto ah.

Wafdiga Israel ku metelaya wada hadalada ayaa la sheegay in ay ku adkeysteen in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad, lana sii wado maxaabiis is dhaafsiga, iyadoo laga baaqsanayo marxaladda labaad. Tani waxay calaamad u tahay in dagaalka uu dib u bilaaban karo, inta Ciidamada Israel ay ku sugan yihiin taako ka mid ah dhulka go’doonsan.

Wafdigan ayaa la sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha ay ku wargeliyeen in Tel Aviv ay ogoshahay oo keliya in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee wejiga koowaad.

Inkastoo xabad joojintii horey loogu heshiiyay ay dhammaatay shalay, haddana dagaalka ayaan dib loo bilaabi karin, inta ay socdaan dadaalada lagu heshiisinayo labada dhinac.

Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa wada dadaalo lagu badbaadinayo xabad joojinta iyo in la sameeyo xabad joojinta ku-meel-gaar ah, xitaa haddii aan heshiis cusub la saxiixin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc