Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Israel ku eedeysay in ay sii waddo falalkeeda waxashnimada ah ee ay si wadarta ah ugu ciqaabeyso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.
Louise Wateridge oo ka tirsan Hay’adda UNRWA ayaa sheegeysa in xaalad aad u argagax badan ay ka jirto guud ahaanba Marinka Gaza, taasna ay dhalatay qaabka ay Israel u waddo dagaalka ay kula jirto Ururka Xamaas.
Haweeneydan ayaa sheegtay in dadka reer Gaza la isugu daray dil toos ah iyo gaajeysiin daran, oo wax joogta ah ka noqotay qaybaha Marinka Gaza, oo ay u dheer tahay inaysan dadku haysan wax ay ka dugaashadaan cimilada qabow iyo roobabka ka da’aya dhulka go’doonsan.
“Kaalmada bani’aadantinimo ayaa si weyn looga baahan yahay halkan, si loo badbaadiyo dadka dhowr jeer ay xididada u siibeen weerarada Israel, kuwaas oo aan haysan wax yar oo ay isaga ilaaliyaan qabowga iyo roobka.” Ayay tiri Louise Wateridge.
Waxay sheegtay in dunidu ay ka indha la’dahay waxa ku socda dadka reer Gaza, iyadoona wax aan macquul ahayn ku tilmaamtay in dadka rayidka ah ay wajahayaan xaalad ceynkani oo kale ah.
“Dunidu ma aragto waxa ku socda dadkan. Waa wax aan macquul ahayn in qoysasku ay ku noolaadaan xaaladahan. Inta badan dadku ma haystaan dhar iyo bustayaal, xitaa ma haystaan dhismayaal biyaha celin kara oo roobka ay ka galaan, maadaama badankooda la burburiyay.” Ayay tiri Louise Wateridge.
Iyadoo sii hadleysay ayay hadalkeeda ku xoojisay “Gebi ahaanba ma jirto meel ay dadku gabaad ka dhigtaan waxa socda.”
Louise Wateridge ayaa xustay in sanad iyo billo oo dagaal xiriir ah ay sii xumaaneyso xaaladda argagaxa leh ee Gaza.
Louise Wateridge ayaa intaasi ku dartay in dadka Gaza oo idil ay ku xukuman yihiin dil, marka loo fiiriyo xaaladda quusta ah ee ka jirta dhulkaasi.
“Bulsho dhan oo halkan ku nool hadda waa xabaal. In ka badan laba milyan oo qof ayaa ku xayiran halkan, mana baxsan karaan. Dadku waxay sii wadaan inaysan haysan waxyaabaha aasaasiga ah ee loo diidan yahay, waxayna dareemayaan in waddo kasta oo aad halkan ku mari karto ay horseedeyso dhimasho.” Ayay sii raacisay Louise Wateridge oo ku sugan xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.
Inkastoo masiibada bani’aadantinimo ay ka jirta Marinka Gaza oo dhan, haddana xaaladda ugu daran ayaa laga soo sheegaya waqooyigeeda.
Saraakiisha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah ayaa ku waramaya, tan iyo bishii October inay Israel xanibeyso gargaarkii la gaynayay waqooyiga Gaza, sababtu tahay ciidamadeeda oo halkaasi ka wada hawlgal aan horey noociisa loo arag.
Ciidamada Israel ayaa horaantii bishii October ku laabtay waqooyiga Gaza, iyagoona ka bilaabay hawlgal ay sheegeen inay kula dagaalamayaan Xamaas, balse ay dhibaatada ugu badan ka soo gaareyso dadka rayidka ah iyo deegaankaba.
Taangiyada iyo diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si ula kac ah u duqaynaya dadka rayidka ah iyo dhismayaasha ay gabaadka ka dhiganayaan, iyadoona uu ujeedku yahay in laga wada barakaciyo dhulkaasi.
Ciidamada Israel ee lagu soo daadiyay waddooyinka iyo kuwooda kale ee ku sugan isgoysyada muhiimka ah ayaa hortaagan in kolonyada gargaarka sida ay gaaraan deegaanada Beit Lahiya, Beit Hanoun iyo xerada qaxootiga Jabalia, oo ah meesha ay dadka ugu badan ku sugan yihiin, dhibta ugu weyna ay ka jirto.
Taliska Militariga Israel ayaa ku celcelinaya in ciidamadoodu ay deegaanada waqooyiga Gaza ka wadaan hawlgal ay kaga hortagayaan in Xamaas ay dib ugu soo xoogeysato deegaanadaasi.
Dhammaan hay’adaha gargaarka waxay ka marqaati kacayaan in dembiyo dagaal ay ka dhacayaan Marinka Gaza, oo ay ugu daran yahay qaybaheeda waqooyi, Israel-se waxay diidan yihiin in ay ku xadgudbeyso sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Bulshada caalamka ayaa ka argagaxsan dhimashada faraha badan ee dadka rayidka ah iyo burburka baahsan ee ay Israel weli ka gaysaneyso waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza waxay sheegtay in tan iyo bilowgii dagaalka, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ay gaartay 45,227 qof iyo dhaawaca 107,573 kale.