Home Wararka Maanta Xaaladda Magaalada Beledweyne oo aad u kacsan

Xaaladda Magaalada Beledweyne oo aad u kacsan

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xilligan oo habeen bar ah ay rasaas xoogan ka dhaceyso magaaladaasi.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya is dhawaqa rasaasta ay is qabsatay xaafadda Howlwadaag, halkaas oo uu ku yaalo Hotel Qaahira oo dableyda ka tirsan Al Shabaab ay saakay weerartay.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in ay maqlayaan rasaas u muuqato mid aan kala go’ lahayn.

Xaaladda ayaa la sheegaya inay aad u cakiran tahay, waana xilli dableyda Shabaabka ay weli ka dhex dagaalamayaan hotelkaasi.

Goor dhow qarax xoogan ayaa laga maqlay aagga, mana cadda waxa uu qaraxaasi ahaa, inkastoo dableyda gudaha ugu jirta hotelkaasi ay illaa iyo maanta ay bambaanooyin tuurayeen.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa ciidamo fara-badan geeyay goobta, waxaana uu ujeedku yahay in la soo afjaro dableydaasi.

Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo kuwa Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Ciidanka Midowga Afrika ayaa afarta jiho kaga hareereysan dableyda ku jirta dhismaha hotelka.

Dadka ku dhaqan galbeedka Beledweyne ayaa ku jahwareersan sida ay wax u socdaan.

Qoysaska qaar ayaa la sheegay in ay ka barakaceen dhismayaashii ka ag-dhawaa xeendaabka hotelka.

Ciidamada ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii ay u soo geba-gabeen lahaayeen weerarkan oo ku daba dheeraaday.

Dadka reer Beledweyne ayaa u dhegtaya, waxa saacadaha soo socda ka soo kordha hotelkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc