Home Dhacdooyin Xabad joojin ka bilaabatay Marinka Gaza, ka dib saacado dib u dhac ah

Xabad joojin ka bilaabatay Marinka Gaza, ka dib saacado dib u dhac ah

by Laacib

Heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xamaas ayaa maanta ka dhaqangalay Marinka Gaza, inkastoo uu jiray ku dhawaad saddex saac oo dib u dhac ah.

Muddada uu dib u dhaca jiray ayay Israel duqayn ku dishay ugu yaraan 19 qof oo dad rayid ah, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka ee Gaza.

Israel ayaa dib u dhacan u sababeysay inaysan Xamaas u soo gudbin magacyada saddexda qof ee lagu sii deynayo maalinta koowaad ee xabad joojinta.

Xamaas iyo Israel ayaa Arbacadii ku heshiiyay saddex wareeg oo xabad joojin ah, oo lagu sii deynayo maxaabiista labada dhinac.

Xamaas ayaa wejiga koowaad ee heshiiska sii deyn doonta 33 qof oo Israeliyiin ah, oo ay qayb ka yihiin haweenka, carruurta iyo dadka da’da ah ee lagu hayo Gaza, iyadoo lagu bedelanayo qaar badan oo ka mid ah Falastiiniyiinta ku xiran xabsiyada Israel.

Xoogaga Xamaas ayaa lagu wadaa in saacadaha dambe ee Axaddan ay Guddiga Laanqeyrta Cas ku wareejiyaan saddex maxbuus oo reer Israel ah.

Israel ayaa sidoo kale maxaabiista Falastiiniyinta ee la sii deynayo ku wareejin doonta isla Laanqeyrta Cas.

Wareegga koowaad ee xabad joojinta ayaa socon doona lix toddobaad, sida ku cad heshiiskii Doha.

Xabad joojintan ayaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka muddada dheer ka socday Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc