Home Wararka Caalamka Xabad joojinta Gaza oo markan hal lug ku taagan

Xabad joojinta Gaza oo markan hal lug ku taagan

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Khamiistii wareejiyay meydadka afar qof oo Israeliyiin ah, si Israel ay u sii deyso maxaabiista lixda boqol kor u dhaafeysa ee ay Israel Sabtidii hakisay sii deyntooda.

Israel ayaa shalay bilowday inay sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta ee horaan la qorsheeyay in lagu sii daayo maalinta ugu dambeysa ee maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac oo ku beegneyd Sabtidii la soo dhaafay, balse Israel oo cabasho ka muujisay munaasabadaha ay Xamaas qabato, marka ay maxaabiista sii deynayso ayaa sheegtay inaysan sii deyn doonin maxaabiistaasi, illaa iyo inta ay Xamaas ka ogolaaneyso inay joojiso munaasabadahaasi. Xamaas ayaan shalay qaban wax xaflad ah, markii ay meydadka ku wareejineysay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas.

Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ay labada dhinac ku heshiiyeen, isla-markaana 19-kii bishii January ka bilaabatay Marinka Gaza ayaa ku eg maalinta Sabtida ee 1-da bisha March.

Dhanka kale wada hadalada ayaa xalay dib uga bilowday Magaalada Qaahira. Xamaas ayaa ku celisay inay diyaar u tahay marxaladda labaad ee heshiiska xabad joojinta, si la isku dhaafsado maxaabiista harsan, loona soo afjaro colaadda Gaza.

Israel ayaan dhankeeda xaqiijin inay geleyso wejiga labaad ee heshiiska, inkastoo wafdiga ku metelayada wada hadalada ay ku sugan yihiin Qaahira.

Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ayaa riixaya in la sii wado wada hadalada, si loo saxiixo marxaladda labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga.

War ka soo baxay Dowladda Masar ayaa lagu sheegay in wada hadalada Qaahira looga doodayo siyaabaha lagu xaqiijinayo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray.

Israel iyo Xamaas ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejigiisii koowaadna uu soconayo lix toddobaad, marxaladda labaadna ay Israel ciidamadeeda kala wada baxeyso Marinka Gaza oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in Tel Aviv ay dhawaan soo jeedisay in wax laga bedelo qodobada qaar ee heshiiska, iyadoo markaasi dooneysa in ciidamadeeda ay sii joogaan qaybo ka mid ah Gaza.

Tani ayaa wiiqeysa dadaalada caalamiga ah ee la xiriira in la hirgeliyo, wixii horey loogu heshiiyay. Heshiiska ayaa waxaa suurtagal ah in uu burburo, haddii labada dhinac ay ku guuldareystaan inay ka fogaan wax kasta oo carqaladeyn kara in xabad joojintu ay sii shaqeyso.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba inay burburto xabad joojinta jilicsan ee Gaza, taas oo gobolka ku celineysa waqtigii adkaa ee colaadda. Sii socoshada xabad joojinta ayaa keeni karta in si buuxda loo soo afjaro dagaalka nafaha badan galaaftay ee wax ka badan 15 bilood ka socday Marinka Gaza.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa ka biyo diidan in Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay aqbasho wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta.

Bezalel Smotrich oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee National Union–Tkuma ee isbahaysiga la ah Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu ayaa culeys ku saaraya in ciidamada ay dib u bilaabaan dagaalka Gaza, ka dib marka uu soo dhammaado wejiga koowaad ee xabad joojinta, haddii kalena ay ka bixi doonaan dowladda wadaagga ah.

Smotrich ayaa hoggaanka u haya siyaasadda Netanyahu, bacdamaa ay dowladdiisu ku dhisan tahay taageerada garabka midigta fog.

Wasiirkan xagjirka ah ayaa xitaa hoggaaminaya weerarada Israel ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto.

Netanyahu ayuu cadaadis kale ka haystaa qoysaska maxaabiista iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel, kuwaas oo ka soo horjeedo in khatar la geliyo maxaabiista weli lagu haysto gudaha Gaza.

Warbaahinta caalamiga ah iyo tan gobolka ayaa isha ku haysa halka looga dhaqaaqi doono isgoyskan la taagan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc