Home Wararka Caalamka Xamaas iyo iska caabinta Falastiin oo taageerada Yemen ku tilmaamay mid dhab ah

Xamaas iyo iska caabinta Falastiin oo taageerada Yemen ku tilmaamay mid dhab ah

by Laacib

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa bogaadiyay weerarada gantaal ee ay Xuuthiyiinta Yemen ku garaacayaan gudaha Israel.

Xamaas iyo kooxaha kale ee fadhigoodu yahay Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed oo soo saaray bayaan wadajir ah ayaa sheegay in gantaalkii Xuuthiyiinta ay waaberigii saaka ku weerareen Magaalada Tel Aviv uu muujiyay, sida Israel ay u awoodi weyday inay ka hortagto gantaalkaasi.

Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in gantaalku uu ku soo dhacay Tel Aviv, ka dib markii lagu guuldareystay in la soo rido, laakiin ay baarayaan waxa keenay in gantaaladooda difaaca ay soo ridi waayaan gantaalkaasi.

“Dhacdadan ayaa sidoo kale bannaanka keentay jilicsanaanta ammaanka Israel iyo nidaamkeeda difaaca.” Ayaa lagu yiri bayaanka kooxaha Falastiiniyiinta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Weerarku wuxuu ka tarjumayaa go’aanka dadka Yemen iyo hoggaankooda geesinimada leh ee lagu kordhinayo taageerada Gaza.”

Kooxahan oo Xamaas ay ugu tun weyn tahay ayaa taageerada shacabka Yemen oo Xuuthiyiinta ay horkacayaan ku sheegay mid dhab ah.

“Sii wadidda garabka taageerada Yemen iyo kordhinta hawlgaladooda waxay jahwareerineysaa xisaabinta Sahyuuniyadda, waxayna meesha ka saareysaa guulaha dhallanteedka ay sheeganayaan inay gaareen.” Ayaa lagu yiri bayaanka iska caabinta Falastiin.

Militariga Israel waxay Sabtidan sheegeen in gantaalka laga soo tuuray dalka Yemen uu si toos ah ugu soo dhacay Tel Aviv, iyadoona Adeegga Gurmadka Degdegga ee Magen David Adom uu sheegay in 16 qof laga daweeyay dhaawacyo fudud.

Xuuthiyiinta Yemen oo xulafo la ah Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa isku dayaya in ay sii wadaan cadaadiskooda militari ee ka dhanka ah Israel, si looga joojiyo dhiigga ay daadineyso.

Xuuthiyiinta ayaa in ka badan 200 oo gantaal iyo 170 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray Israel, si ay garab istaag ugu muujiyaan shacabka Falastiin.

Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale cadaadis dhaqaale ku haya Israel, marka aad eegto in ay weerarayaan maraakiibta ku wajahan Dekedaha Israel, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay, tanina waxay jug dhaqaale ku noqotay nidaamka Tel Aviv.

Khamiistii, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa sheegay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta inay taageeraan shacabka Falastiin, isagoo daba jooga weeraradii xagga cirka ahaa ee ay Israel 19-kii bishan ka gaysatay dalka Yemen.

Al Houthi ayaa sheegay in weerarada ay ka joojin doonaan Israel, kolka ay soo afjarto xasuuqa ay ka waddo Marinka Gaza, ayna qaaddo go’aaminta muddada dheer saaran dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc