Home Wararka Caalamka Xamaas iyo Israel oo maanta mar kale maxaabiis is dhaafsi sameynaya

Xamaas iyo Israel oo maanta mar kale maxaabiis is dhaafsi sameynaya

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin iyo Maamulka Israel ayaa lagu wadaa in Sabtidan ay is dhaafsadaan qaybtii labaad ee maxaabiista lagu sii deynayo, inta lagu guda jiro wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza.

Labada dhinac ayaa Axaddii sameeyay maxaabiis isweydaarsigii ugu horreyay, iyadoo Xamaas ay sii deysay saddex haween Israeliyiin ah, halka Israel ay iyana sii deysay 90 Falastiiniyiin ah.

Xamaas ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay sii deyso afar hablood oo Israeliyiin ah oo lagu hayo gudaha Gaza, si ay ugu bedelato Falastiiniyiin badan.

Xamaas oo shaacisay magacyada hablahaasi ayaa ku kala sheegtay Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag, iyadoo afartuba ay askar yihiin.

Qorshaha ayaa ah in Israel ay dib xorriyaddooda u siiso 200 Falastiiniyiin ah, kuwaa oo qaarkood muddo dheer ku xirnaa jeelasheeda.

Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inaysan weli helin liiska magacyada maxaabiista ay tahay in maanta laga sii daayo xabsiyada Israel.

Xamaas waxay sheegtay in marka loo soo gudbiyo magacyada dadkaasi ay maxaabiista reer Israel ku wareejin doonto Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, si loogu qaado gudaha Israel.

Haddii aanu wax dib-u-dhac ah ku iman maxaabiista Sabtidan la is dhaafsanayo, Xamaas ayaa bilaabi doonto inay bixiso macluumaadka ku saabsan 26-ka maxbuus ee haray ee ay sii deyn doonto shanta toddobaad ee ina soo aaddan.

Israel iyo Xamaas ayaa 15-kii bishan ku heshiiyay heshiis dhigaya saddex weji, oo midka horena uu soconayo 42 maalmood.

Xamaas ayay tahay in muddadaasi ay ku sii deyso 33 qof oo Israeliyiin ah, oo isugu jira haween, carrruur iyo weliba dad da’ ah, iyadoo ku bedelaneysa maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah, kuna xiran jeelasha Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc