Ururka Xamaas ayaa Falastiiniyiinta Daanta Galbeed ugu baaqay inay la dagaalamaan Ciidamada Israel ee hawlgalka ka wada Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ugu yeertay Falastiiniyiinta Daanta Galbeed inay kordhiyaan iska caabintooda ku wajahan Israel, ka dib markii galabnimadii Axadda ay ciidamadeeda burburiyeen in ka badan 20 guri oo ku yiilay xerada qaxootiga Jenin.
Xamaas oo falkaasi cambaareysay ayaa sheegtay in Israel ay dooneyso inay niyad jebiso shacabka Falastiin, laakiin aysan sidaasi ku niyad jebi doonin dadkooda.
Bayaanka Xamaas ayaa lagu sheegay in ficilada Israel aysan Falastiiniyiinta ka horjoogsan doonin inay la dagaalamaan, iyadoona ku boorisay dadka Daanta Galbeed inay ka hortaggaan nidaamka gumeysiga.
Ciidamada Israel ayaa laba toddobaad hawlgal ka wada Jenin, waxaana uu taliskoodu sheegay in uu yahay hawlgal lagu beegsanayo kooxaha wax iska caabinta iyo kaabeyaashooda xerada, balse ay iyagu u yaqaanaan argagixisada.
Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay 50 ka mid ah dagaal-yahanada Falastiiniyiinta, in ka badan 100 kalena ay ku soo xireen.
Militariga ayaa sheegay in hawlgalka lagu burburiyay tobanaan dhisme, oo sida ay sheegeen ahaa kaabeyaasha militari ee kooxaha argagixisada. Waxay kaloo sheegeen in la burburiyay waddooyin ay adeegsan jireen kooxahaasi.
Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta falalkan burburinta ah iyo saamaynta xun ee ay reebi karaan.
Madaxweyne Abbas ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ficilada guracan Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta aysan cidina ku gaari doonin nabad iyo ammaan.
Saraakiisha Maamulka Abbas ayaa Israel ku eedeeyay in ay barakacisay sideetan boqolkiiba (80%) dadkii ku noollaa xerada Jenin. Israel ayaa korontada iyo biyahaba ka jartay xeradaasi.
Israel ayaa Jenin u bedeshay goob dagaal, laba maalmood uun ka dib, markii ay xabad joojinta ka bilaabatay Marinka Gaza.
Hawlgalkan ayaan ku koobneyn Jenin oo keliya, balse Ciidamada Israel ayaa sidoo kale hawlgal ka wada qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Daanta Galbeed, sida Tulkarm iyo Tubas.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ayaa mararka qaarkood duqaymo ka gaysanaya magaalooyinkaasi iyo dhulka ka baxsan.
Xamaas ayaa hadda ku baaqeysa saddexda milyan ee Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed inay meel uga soo wada jeestaan nidaamka gumeysiga ee Israel.