Home Wararka Caalamka Xamaas oo Israel ku dhalleeceysay kor u kac halis badan

Xamaas oo Israel ku dhalleeceysay kor u kac halis badan

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Israel ku eedeeyay kor u kac khatar badan oo xiisadda gobolka ah, ka dib duqayntii ay dadka faraha badan ku dhinteen ee ay maanta ka gaysatay Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa bartilmaameedsaday Dugsiga Al-Tabin (Al-Taba’een), kaasi oo ay badbaado u soo doonteen qoysaska guryahooda laga soo barakaciyay.

Dugsigan ayaa gabaad u ahaa kun qof oo ka soo barakacay deegaanka Beit Hanoun, ka dib markii Taliska Militariga Israel uu dadka rayidka ah ku amray inay halkaasi banneeyaan. Duqaynta ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Xamaas.

Xamaas ayaa ka digtay cawaaqibka uu yeelan karo kororka xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

“Xasuuqa ka dhacay Dugsiga Al-Taba’een ee xaafadda Daraj ee bartamaha Magaalada Gaza waa dembi aad u xun oo ka dhigan koror halis ah.” Ayay Xamaas ku sheegtay war ay soo saartay.

Dowladaha Qatar iyo Masar oo wada dadaalada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas ayaa cambaareeyay weerarkan.

Masar ayaa Israel ku dhaliishay inaysan wax rabitaan siyaasadeed ah u hayn in ay joojiso dagaalka Gaza.

“Dilka ula kaca ah ee Israel ku hayso Falastiiniyiinta aan hubeysneyn ayaa muujinaya inaysan lahayn wax rabitaan siyaasadeed oo ay ku joojineyso dagaalka Gaza.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Mareykanka oo gadaal ka riixaya xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ayaa Israel u sheegay in kororka xiisadda Bariga Dhexe aanay cidina dan ugu jirin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo mar sii horreysay khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ugu baaqay inay diiradda saaraan xabad joojinta Gaza.

Israel ayaa xoojisay weeraradeeda xagga cirka ee ka dhanka ah goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin, xilli ay jirto rajo laga qabo in la gaaro heshiis xabad joojineed.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar oo Mareykanka uu kaabayo ayaa habeen hore labada dhinac ugu baaqay inay ku laabtaan miiska wada hadalka, lana soo afjaro dagaalkan lagu hoobtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc