Home Wararka Caalamka Xamaas oo maxaabiis Israeliyiin ah ku soo bandhigtay Nuseirat (SAWIRRO)

Xamaas oo maxaabiis Israeliyiin ah ku soo bandhigtay Nuseirat (SAWIRRO)

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maanta sii daayay qaybtii 7aad ee maxaabiista Israeliyiinta ee nool, iyadoo la fulinayo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee u dhaxeeya iyaga iyo Maamulka Israel.

Xoogaga Xamaas ayaa saddex maxbuus ku soo bandhigay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, ka hor inta aysan ku wareejin Shaqaalaha Laanqeyrta Cas.

Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa gaadiidkooda saddex maxbuus oo Israeliyiin ah kaga qaaday Nuseirat, iyagoona geeyay xuduudda Gaza iyo Israel, halkaas oo ay kula wareegeen Ciidamada Israel.

Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in Xamaas ay sii deysay maxaabiista kala ah Eliya Cohen, Omer Wenkert iyo Omer Shem Tov, kuwaa oo ay sheegeen in lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023.

Xamaas ayaa maxaabiistan ku bedelaneysa boqolaal ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.

Waa markii 7aad oo labada dhinac ay is dhaafsadaan maxaabiis nool, tan iyo markii ay xabad joojinta ka dhaqangashay Marinka Gaza, 19-kii bishii January.

Xamaas ayaa Khamiistii wareejisay meydadka afar Israeliyiin ah, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku dhinteen duqaymihii Israel ka gaysaneysay Gaza, muddadii uu dagaalku socday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc