Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa galabta baahiyay muuqaal muujinaya in ay nooshahay Liri Albag oo ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.
Gabadhan oo 19 jir ah, kana tirsan Ciidanka Difaaca Israel ayaa ka mid ahayd la haysteyaashii Israeliyiinta ee kooxaha wax iska caabinta Falastiin ku soo qafaasheen weerarkii Xamaas hoggaamineysay ee 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 lagu qaaday dhulka ay Israel maamusho.
Israel ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore ee 2024 sheegtay in 101 maxbuus ay ku hareen gacanta Xamaas, kuwaa oo sida ay sheegtay saddex meelood oo meel ay rumeysan tahay inay dhinteen. Gabadha muuqaalkeeda la baahiyay waxaa lagu tirinayay maxaabiista ku dhimatay duqaymaha Israel ka waddo Marinka Gaza.
Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa baahiyay muuqaalka Liri Albag, oo dib u xoojiyay qorshihii ay muddooyinkan shacabka Israel u ololeynayeen ee ku saabsanaa in wada hadal nabadeed lala galo Xamaas, si la haysteyaasha iyagoo nool ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.
Liri Albag ayaa muuqaalka oo soconaya saddex daqiiqo iyo bar ku sheegtay in la hayo in ka badan 450 maalmood, taasoo muujineysa in la duubay dhawaan.
Gabadhan ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku eedyeysay in xukuumaddiisa aysan wax dan ah ka lahayn nolosha, iyada iyo dadka kale ee la xiran.
Guddiga Qoysaska Maxaabiista ayaa sheegay in ay rajo badan gelisay nolosha gabadhaasi, waxayna shacabka ugu baaqeen in caawa ay isugu soo baxaan mudaaharaad weyn oo dowladda looga dalbanayo inay dardargeliso hindisaha maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.
Magaalooyinka Israel ayaa waxaa muddooyinkanba ka socday bannaanbax lagu cadaadinayo dowladda, si ay u ogolaato heshiis lagu soo celinayo maxaabiista lagaga haysto Marinka Gaza.
Xamaas ayaa diyaar u ah inay sii deyso maxaabiista Israel, haddii Tel Aviv ay aqbasho xabad joojin waarta oo laga dhaqangeliyo Gaza, dib-u-dhiskeeda, in dadku ay si caada ah ugu laabtaan guryahoodii laga soo barakaciyay iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa lagu eedeeyay in uu xagal-daacinayo wada hadalada labada dhinac ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Gaza.
Wasiirada mayalka adag ee ka tirsan xukuumadda wadaagga ah ee Netanyahu uu hoggaamiyo ayaa la sheegaa in gebi ahaanba ay ka soo horjeedaan in ciidamada laga soo saaro Gaza, haddii kalena ay ka bixi doonaan xukuumadda.
Netanyahu ayaa ka cararaya in xukuumaddiisu ay burburto, si aysan u burburina uu u carqaladeynayo wada hadalada, isagoo marba miiska la imanaya shuruudo cusub oo Xamaas aan u cuntami karin.