Ururka Xamaas ayaa Dowladda Iran la wadaagay qaabka ay u doonayaan in loo qaban-qaabiyo aaska Ismail Haniyeh iyo weliba goobta ay qorsheeyeen in lagu aaso.
Xamaas ayaa soo saartay war ay ku sheegeyso in Khamiista uu Magaalada Tehran ka dhici doono kulan ballaaran, oo dadweynuhu ay Salaadda Janaasada kula tukan doonaan meydka marxuumka.
Hoggaamiyaha dhinaca diinta ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa tujin doona Salaadda Janaasada, oo berrito lagu qabanayo Jaamacadda Tehran.
“Meydkiisa ayaa markaasi loo wareejin doonnaa Caasimadda Qatar ee Doha, xaruntiisii sanadihii u dambeeyay.” Ayaa lagu sheegay warka.
Xamaas ayaa xustay in 2-da bisha August oo maalinta Jimcaha ku beegan uu aaskiisu ka dhici doono Qabuuraha Magaalada Lusail ee dalkaasi Qatar.
Ismail Haniyeh oo deganaa dalka Qatar ayaa ahaa wejiga diblomaasiyadda Ururka Xamaas ee Falastiin, isagoona ka mid ahaa martidii lagu soo casuumay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweyne Masoud Pezeshkian.
Ismail Haniyeh oo ahaa Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas ayaa ururka ku metelayay fagaareyaasha caalamiga ah.
Hoggaamiyaha Xamaas ayaa lagu dilay gantaal aan la aqoon halka laga soo tuuray oo ku dhacay hoygii laga dejiyay Magaalada Tehran, waxaana la dilay wax yar uun ka dib, markii uu ka soo laabtay kulan uu la qaatay Madaxweyne Pezeshkian.
Dowladaha gobolka qaarkood iyo Ruushka & Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay dilka loo gaystay ninkaasi.
Xamaas iyo Iran waxay dilkiisa ku eedeeyeen Israel, balse Israel ayaan illaa iyo hadda sheegan dilkiisa, marka laga soo taggo militarigeeda oo sheegay inay xaaladda qiimeynayaan.
Bulshada caalamka ayaa dilka Ismail Haniyeh u aragto xadgudub weyn oo gobolka colaad gelin kara xilligan xasaasiga ah, oo Israel ay weeraro ku hayso Marinka Gaza.