Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Israel ku eedeeyay in ciidamadeeda ay xasuuq aan la arkin ay ka wadaan Marinka Gaza, gaar ahaan waqooyiga Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa Khamiistii shalay oo keliya waxay 150 qof ku dileen xerada qaxootiga Jabalia, sida ay xaqiijisay Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza.
Osama Hamdan oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa sheegay in Israel ay hawlgal aan kala sooc lahayn ay ka waddo dhulkaasi, iyadoo ay dunida daawaneyso.
Osama Hamdan ayaa sheegay in ay kordhayaan dhammaan noocyada dembiyada ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.
“Ujeedadoodu waxay tahay inay baabi’iyaan, isla-markaana ay barakaciyaan dadkeenna ku nool waqooyiga Marinka Gaza, iyagoo ka hortaagan fursad kasta oo ay ku noolaan karaan.” Ayuu yiri Osama Hamdan oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas.
Sarkaalkan ayaa yiri “Gumeystaha ayaa diidan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la ogolaado gelitaanka shidaalka la gaynayo isbitaalada, cuntada & dawada iyo sidoo kale codsiyada lagu samatabixinayo kuwa ku hoos jira burburka.”
Sarkaalkan oo degan dalka Lubnaan, shir jaraa’id-na ku qabtay meel aan la magacaabin oo dalkaasi ka mid ah ayaa dhalleeceeyay, sida ay dunida uga gaabisay wax ka qabashada dembiyada ay Israel ka waddo Marinka Gaza.
Waxa uu sheegay in Mareykanka uu qayb ka yahay xasuuqa ka dhanka ah dadka reer Gaza, isagoona dhalleeceeyay 30-ka cisho ee Mareykanka uu u qabtay Israel, kuna saabsan in ay sare ugu qaaddo helitaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, ayna furto waddooyinka gargaarka, haddii kalena uu ka joojin doono qayb ka mid ah taageeradiisa militari.
Waxa kaloo uu sheegay in muddadaasi ay tahay mid aad u dheer, marka loo eego xaaladda adag ee ka jirta dhulka sida weyn loo go’doomiyay.
Osama Hamdan ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqay inay si degdeg ah u soo fara-geliyaan masiibada bani’aadantinimo ee Gaza, isla-markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta qiyamka bani’aadantinimada.
Hamdan ayaa caalamka ugu baaqay inay caddeyaan mowqifkooda kaga aaddan xasuuqa loo wada jeedo ee maanta ka dhacaya dunida korkeeda.
“Dunida u taagan inay xusto xasuuqa aysan goobjoogga ka ahayn waa inay maanta ka jawaabto mowqifkeeda ku aaddan Holocaust-ka cusub, oo ay si toos ah u aragto.” Ayuu yiri Hamdan.
Muddada uu socdo hawlgalkan ayaa waxaa waqooyiga Marinka Gaza lagu dilay dad aysan tiradoodu ka yareyn kun qof, sida ku cad tirooyinkii ugu dambeeyay ee la cusbooneysiiyay.
Xaalad aad u liidato ayaa laga soo sheegaya xerada Jabalia, halkaas oo aan wax gargaar ahi la gaarsiin hawlgalka ku dhawaad afarta toddobaad ka socdo waqooyiga Marinka Gaza.
Tirada dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo markii dagaalka Gaza uu bilowday ayaa hadda ku dhow 43 kun oo qof, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 100 kun oo kale, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.