Home Wararka Caalamka Xamaas oo sheegtay inaysan khuseyn hanjabaadda ka soo yeertay Netanyahu

Xamaas oo sheegtay inaysan khuseyn hanjabaadda ka soo yeertay Netanyahu

by Laacib

Xamaas ayaa waxay ka jawaabtay hanjabaadda ka soo yeertay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in ay dagaal adag ka bilaabayaan Gaza, haddii aan Sabtida la sii deynin maxaabiista looga haysto gudaha Gaza.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay inaysan khuseyn hanjabaadda Netanyahu, isla-markaana uu masuuliyadeeda qaadi doono, wixii cawaaqib ah ee ka dhashay dagaalkan uu iclaamiyay.

Ururka ayaa sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay fulinta heshiiska, balse cidda carqaladeynayso ay tahay xukuumadda uu Netanyahu madaxda ka yahay.

“Maamulka Sahyuuniyadda ayaa ah cidda aan u hoggaansameyn fulinta qodobada heshiiska. Gumeystaha ayaana fulin ballanqaadyadii ay galeen.” Ayaa lagu sheegay bayaan ay Xamaas soo saartay.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri “Wixii dhibaato iyo dib u dhac ah ee ka dhasha iyaga ayaana ka masuul ah.”

Xamaas ma sheegin inay sii deynayaan saddexda maxbuus ee sidii la qorsheeyay lagu waday in Sabtida la sii daayo, iskaba dhaaf inay sii wada deynayaan dhammaanba maxaabiista, sida uu horaanba soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump.

Maxaabiistan ayaa horey loo qorsheeyay in lagu sii daayo qaybta lixaad ee maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel, ha yeeshee Xamaas ayaa Isniintii sheegtay inay hakineyso sii deyntooda, ka dib markii ay Israel ku eedeysay inay ku xadgudbeyso heshiiska xabad joojinta.

Intii lagu guda jiray saddexdii toddobaad ee ugu horreysay ee wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta oo soconaya lix toddobaad, labada dhinac ayaa sameeyay shan jeer oo maxaabiis is dhaafsi ah.

Xamaas waxay ballanqaaday inay dib u bilaabi doonto sii deynta maxaabiista, marka la helo in Israel ay diyaar u tahay fulinta qodobada heshiiska, oo ay ugu horreyso in dadka reer Gaza aan laga hor istaagin inay si nabdoon ugu laabtaan guryahooda, lana fasaxo nooc kasta oo gargaar ah oo Gaza gelaya, sidii lagu heshiiyayba.

Dhanka kale Hazem Qassem oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay in Israel ay tahay inay xushmeyso heshiiska, iyadoo wax kasta oo carqaladeyn ah ka fogaaneysa.

Xamaas iyo Israel ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda Gaza.

Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ayaa 19-kii January ka dhaqangalay Marinka Gaza, ka dib in ka badan 15 bilood oo dagaal ah.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyinta ayaa hadda Gaza ku haysta ku dhawaad 80 Israeliyiin ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc