Xoogaga Xamaas ayaa maanta sii daayay saddex ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
Xoogagan ayaa munaasabad ballaaran oo duhurnimadii maanta ka dhacday deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza ku sii daayay saddex nin oo Israeliyiin ah, kuwaa oo sidoo kale haysta dhalashooyinka Mareykanka, Ruushka iyo Argentina.
Saddexda nin ee la sii daayay ayaa kala ah Sagui Dekel-Chen oo 36 jir ah haysta dhalashada Mareykanka, Alexander Trupanov oo ah 29 jir haysta dhashada Ruushka iyo Yair Horn oo isna ah 46 jir haysta dhalashada dalka Argentina.
Xamaas ayaa raggan ku wareejisay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, oo iyaguna u qaaday xuduudda Gaza iyo Israel, isla-markaana ay kula wareegeen Militariga Israel.
Israel ayaa waxay dhankeeda Sabtidan ay xabsiga ka sii deysay 369 Falastiiniyiin ah, iyadoona lagu bedeshay saddexda nin ee Israeliyiinta ah, sidoo kalena haysta labada dhalasho.
Maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii daayay waxaa ku jira 36 qof oo ku xukunaa xabsi daa’in, ka dib markii la sheegay in qaarkood ay maxkamad ku heshay in ay dileen muwaadiniin reer Israel ah.
Waa markii lixaad oo Xamaas iyo Israel ay is dhaafsadaan maxaabiis, lagu sii daayay wareegga hore ee heshiiska xabad joojinta Gaza oo lix toddobaad soconaya.