Home Wararka Caalamka Xamaas oo sii deysay maxaabiis kale, oo ay ku jiraan laba xirnaa muddo dheer (SAWIRRO)

Xamaas oo sii deysay maxaabiis kale, oo ay ku jiraan laba xirnaa muddo dheer (SAWIRRO)

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maanta sameeyay wareejin labaad, oo ay ku sii deynayaan saddex maxbuus, ka dib markii Sabtidan ay saddex nin ku soo bandhigeen xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, kuna wareejiyeen Shaqaalaha Laanqeyrta Cas.

Xoogaga Xamaas ayaa laba maxbuus ku sii daayay munaasabad ka dhacday deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, waxaana lagu magacaabaa Tal Shoham iyo Avera Mengistu.

Maxbuuska ugu dambeeya oo lagu magacaabo Hisham Al Sayed ayay wareejintiisu ka dhacday Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn Marinka Gaza. Xamaas ayaan halkaasi ku qaban wax xaflad ah, iyadoo ay Xamaas maxaabiista ku sii deynaysay isku soo baxyo waaweyn.

Hisham Al Sayed ayaa la qabtay 20-kii bishii April ee sanadkii 2015, ka dib markii uu gudaha u soo galay Marinka Gaza, isagoo jebiyay xeendaabka amniga.

Waxaa xusid mudan in mid ka mid ah labada maxbuus ee lagu sii daayay xafladda Rafah, laguna magacaabo Avera Mengistu in isna gacanta lagu dhigay 7-dii bishii September ee sanadkii 2014. Mengistu waa 39 jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya.

Mengistu iyo Hisham Al Sayed ayaa noqonaya maxaabiistii ugu muddada dheeraa ee u xirnaa Xamaas, laguna sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.

Lixda maxbuus ee maanta la sii daayay ayay Xamaas ku bedelatay 602 Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc