Home Wararka Caalamka Xamaas oo soo dhaweysay tallaabada Pakistan ay Netanyahu ugu aqoonsatay dembiile dagaal

Xamaas oo soo dhaweysay tallaabada Pakistan ay Netanyahu ugu aqoonsatay dembiile dagaal

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa maanta bogaadiyay tallaabada Dowladda Pakistan ay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ugu aqoonsatay mid argagixiso ah.

Pakistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in Israel ay gashay dembiyo dagaal, Raysal Wasaaraheeduna uu yahay argagixiso.

Islamabad ayaa dalbatay in maxkamad la soo taago Netanyahu, si lagu la xisaabtamo dembiyada dagaal ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.

Go’aanka Pakistan ayaa waxaa ku dhawaaqay Rana Sanaullah, oo ah La taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Raysal Wasaare Shehbaz Sharif.

“Netanyahu waa argagixiso iyo dembiile dagaal. Waxaan dalbanaynaa in maxkamad la soo taago.” Ayuu yiri Rana Sanaullah oo hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaan si adag u cambaareynaynaa falalka naxariis darrada Israel ee ay ka waddo Marinka Gaza iyo dhammaan quwadaha ku lugta leh.”

Kumanaan qof oo isugu soo baxay duleedka Caasimadda Islamabad ayaa cambaareeyay weerarada Israel ee Marinka Gaza, waxayna dalbadeen in dowladdu ay mamnuucdo wax soosaarka Israel ee dalka la keeno iyo inay gargaar bani’aadantinimo u dirto shacabka Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Pakistan ay kaga mahadcelinayaan, isla-markaana ay ku ammaanayaan mowqifkeedan.

Pakistan waa dalka keliya ee Islaamka ee haysta hubka nuclear-ka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc