Home Wararka Caalamka Xamaas oo war ka soo saartay xarigga Dr. Hussam Abu Safiya

Xamaas oo war ka soo saartay xarigga Dr. Hussam Abu Safiya

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dunida ugu baaqay inay gacan ka gaysato, sidii ay Israel u sii deyn lahayd Agaasimihii Isbitaalka Kamal Adwan, Hussam Abu Safiya, kaas oo ay xireen Ciidamada Israel.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah shaqaalihii caafimaadka, iyagoona la aaday goob aan la aqoon.

Xamaas ayaa war ay xalay soo saartay ku sheegtay in xarigga Agaasimaha iyo shaqaalaha caafimaadka ay halis gelineyso noloshooda.

“Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka, ururada xuquuqul insaanka, kuwa bani’aadantinimada iyo Laanqayrta Cas inay si degdeg ah u soo fara-geliyaan, si loo ogaado masiirka Dr. Hussam Abu Safiya iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka, lana hubiyo in si degdeg ah loo sii daayo, iyada oo aanu dib-u-dhac jirin.” Ayay Xamaas ku sheegtay warkeeda.

Warka ayaa lagu yiri “Waxaa loo baahan yahay in la siiyo ilaalinta lagama maarmaanka ah, isaga iyo dhammaan maxaabiista loo gaysto falalka ka baxsan bani’aadantinimada, gaar ahaan kooxaha caafimaadka iyo shaqaalaha rayidka ah.”

Qaar ka mid ah maxaabiistii la xiray oo dib laga soo sii daayay ayaa sheegay in garaacis iyo bahdil ay kala kulmeen Ciidamada Israel, taasoo soo dedejisay warkan ay Xamaas soo saartay.

Ciidamada Israel ayaa Jimcihi gubay Isbitaalka Kamal Adwan, kaas oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ku sheegtay isbitaalkii ugu dambeeyay ee ka shaqeynayay waqooyiga Marinka Gaza.

Ciidamada Israel oo bishii saddexaad hawlgal militari ka wado waqooyiga Gaza ayaa ka dhigay meel aanu ka jirin wax isbitaal ah, sida ay sheegtay Hay’adda WHO.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc