Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Ex Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga horyimid qorshaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku maamulayo siyaasadda doorashooyinka dalka.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay diidan yihiin qorshaha ee Villa Somalia gadaal ka riixeyso, ee ah in muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodu dhammaaday, si loo mideeyo saddexda doorasho ee Deegaan, Dowlad Goboleed iyo tan Federaalka.
Siyaasiyiintan ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ku eedeeyay in uu horey u laalay dastuurkii dalka, isagoo xeerinaya damac guracan iyo dan gaar ah, isla-markaana uu dalku ku sii wado sida ay yiraahdeen jidkii qarda-jeexa ahaa ee ay uga digeen.
“Waxaa markii labaad la soo dhaafay jadwalkii loo asteeyay qabashada Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo caddayn u ah in uusan Madaxweynuhu dalka u wadin doorasho qof iyo cod ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Waxaan si adag u diidannahay muddo kordhinta uu Madaxweynuhu ku khasbayo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodu dhammaaday, taas oo uu kaga bedelanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan, xilliga ay xilhayntiisu dhammaato 15-ka May, 2026.
Waxaa ayaan-darro ah in Madaxweynihii loo doortay ilaalinta dastuurka iyo dhawrista sharciyadda siyaasadeed uu doonayo muddo kordhin iyo in uu jideeyo in sharciyad la’aan la iska joogo xukunka, isaga oo og, waaya-aragna u ah qalalaasaha amni iyo xasillooni darrida siyaasadeed ee uu muddo kororsiga leeyahay.”
Shariifka, Khayre iyo Ina Warsame ayaa bogaadiyay go’aanka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kaga baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay uu kaga qaybgelayay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka horyimid sida ay muujiyeen in aysan Doorashooyinka Madaxda Dowlad Goboleedyadu dhaafin, muddada ka harsan sanadkan, si aysan sharci la’aan u sii joogin xukunka, looguna diyaargaroobo Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha ee sanadka 2026.
Waxay Madaxda Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ugu baaqeen inaysan ku kadsoomin qorshaha muddo kororsiga, ayna ogaadaan in dalku uu yahay mid federaal ah.
“Waxaana xusuusinaynaa in uu dalku yahay federaal, Dowlad Goboleedkuna u xilsaaran yahay qabashada Doorashooyinka Heer Deegaan iyo Dowlad Goboleed, halka waajibka Dowladda Federaalkuna yahay qabashada Doorashooyinka Federaalka, waxaana sharci darro ah oo baalmarsan dastuurka dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada in hal guddi doorasho uu qabto doorashooyinka saddexda heer ee Deegaan, Dowlad Goboleed iyo Federaalka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo ay ku saxiixnaayeen Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Madaxweynaha uga digay “Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh uga digaynaa in uu kabka miisaniyadeed ee ay xaqa u leeyihiin Dowlad Goboleedyadu u adeegsado gorgortan siyaasadeed iyo cadaadis uu ku sandulleysto Madaxda Dowlad Goboleedyada, si uu ugu khasbo muddo kororsiga sharci darrada ah.”