Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray Dowlad Goboleedyada oo Jubbaland & Puntand ku jiraan

Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray Dowlad Goboleedyada oo Jubbaland & Puntand ku jiraan

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir wadatashi isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dalka ka dhisan, oo ay qayb ka yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Warkan oo lagu shaaciyay faafinta rasmiga ah ee Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu martiqaad u fidiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan ayaa ah madal ay ku kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Villa Somalia ayaa sheegtay in shirkan uu Madaxweynuhu ku baaqay uu qabsoomi doono 1-da illaa 2-da bisha soo socoto ee May, balse laguma caddeyn goobta amaba magaalada uu shirku ka qabsoomayo.

“Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da illaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa hawlgalka xoreynta dalka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka.

Dowladda Federaalka ayaa horaan iclaamin jirtay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka goob kasta oo lagu qabanayo amaba ay madaxdu isugu tagayaan.

Sababta aan hadda loo shaacin goobta lagu kulmayo ayaa loo maleynaya in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kale uu diidan yahay in uu shirka kaga qaybgalo xeendaabka Dowladda Federaalka, balse aanu diidaneyn in shirka uu kaga qaybgalo meel uu ammaan ku dareemayo.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyaha Jubbaland ayuu khilaaf adag soo kala dhexgalay bishii October, ka dib markii ay si weyn isugu qabteen dhabaha loo marayo doorashadii u dambeysay ee bishii November ka qabsoomtay Jubbaland ee lagu soo doortay 75-ka xubnood ee Baarlamaanka Jubbaland, markii saddexaadna xilka dib loogu soo doortay Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ayaa qaadacday doorashadaasi oo mid dadban ahayd, iyadoona Axmed Madoobe ku eedeysay in uu ka horyimid qorshaha qaran ee dalka lagu gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah, waxayna Axmed Madoobe ugu yeertay hoggaamiye hore.

Iyadoo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland uu meeshii ugu hooseysay gaaray, cid xalisayna aysan jirin ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay shirkan.

Sidoo kale waxaa weli taagan khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland soo kala dhexgalay bartamihii sanadkii 2023, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay ku kala irdhoobeen siyaasadda, iyadoo la xusuusto in Hoggaamiyaha Puntland uu gacan weyn ka gaystay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo baxo doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoomtay 15-kii bishii May ee sanadkii 2022.

Madaxweyne Deni ayaa dibadjoog ka ahaa illaa toddobo shir, oo ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ma cadda in Deni uu ka soo qaybgeli doono shirkan iyo in kale, xitaa haddii la go’aamiyo in lagu qabanayo meel aan ahayn Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc