Wararka ka imanaya Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay is bedel ay Jubbaland ku sameysay xubno ka mid ah masuuliyiinta degmada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Jubbaland ayaa maalin ka hor xilka ka qaaday Gudoomiye Kuxigeenkii 1aad ee degmada, iyadoona ku soo bedeshay mid kale. Arrinta xiisadda keentay ayaana ah in ninkaasi lagu soo bedelay nin kale oo aan ku heyb ahayn.
Beesha Xasan Gaashireedle ayaa adag uga dhiidhisay xil ka qaadista lagu sameeyay Aadan Siraad Maxamuud, Gudoomiye Kuxigeenkii Amniga ee Degmada Garbahaarey. Xilkaas oo beesha ay sheegtay in ay dhaxaltooyo u lahayd, isla-markaana aysan aqbali karin in cid kale la siiyo.
Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha beesha ayay kaga dhawaaqeen Garbahaarey, sida ay uga soo horjeedaan xilkii ay lahaayeen ee la siiyay beel kale oo ka mid ah beelaha deegaanka.
Nabadoon Axmed Siraad Maxamuud oo ka mid ah odayaasha beesha ayaa sheegay in ay ka biyo diidan yihiin masuuliyad xumo uu sheegay inay ka timid Magaalada Kismaayo, taas oo sida uu sheegay uu ka shaqeeyay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland.
“Waxaan idiin sheegaynaa kursigan Gudoomiye Kuxigeenka ah waa mid masiiri ah oo ummaddan ay iska leedahay oo mid dhaxaltooyo ah waaye. Ma ahan mid ummadda ka wada dhaxeeyo ama guurguuro oo marba qolo u wareego ma aha. Kursigan waxaa iska leh Beesha Xasan Gaashireedle, si taariikhiyan buuna u qoran yahay, in badan buuna soo shaqeynayay oo Dowladda Somaliya ayaa ku qortay.” Ayuu yiri Nabadoon Axmed Siraad Maxamuud.
Waxa uu sheegay inaysan qaadan doonin in kursigooda lagu masxaleeyo beel kale, oo sida uu sheegay wax ka tirsaneysa amaba ay is hayaan Dowlad Goboleedka Jubbaland.
“Kursiga Gudoomiye Kuxigeenka 1aad oo ay si masiiri ah u lahayd Beesha Xasan Gaashireedle ayuu Maxamuud Sayid Aadan u bixiyay si xun oo lama filaan ah oo foolxun, oo isaguna injuqnimo ku ah, Madaxweyne Kuxigeena uusan ku ahaan karin, sharafna aan u ahaan karin. Xilka uu isagu hayo wuxuu ku hayaa 4.5 oo qabiil buu ku helay, mana ahan mid shaqo ah oo uu u tartamay, ummadda uu u haayyana ummaddan waaye, inuu xilkoodii uu lumiyo, xuquuqdooda, sharafkooda iyo karaamadooda uu ku tuntana wax shaqeynayo ma ahan.” Ayuu yiri Nabadoon Axmed Siraad.
Nabadoon Axmed Siraad ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey, illaa iyo inta laga xalinayo cabashada beesha.
“Laga bilaabo saacaddan Garoonka Diyaaradaha Garbaarey waa xiran yahay, ciddii u soo duusho garoonka dhibaatadii ka gaarto, si ogaal la’aan ah kuma aysan qabsaninee waa waxay ku talagashay, laga bilaabo saacaddana gacan baan ka gaysanaynaa.” Ayuu yiri Nabadoon Axmed Siraad oo intaasi ku daray “Haddaan nahay Beesha Xasan Gaashireedle-na dhimashaa diyaar u nahay, dagaal baan diyaar u nahay, mana qaadanayno, mana qaadan karno, mana aqbali doono xaq duudsiin.
Dhanka kale Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in maamulka degmada uu hareeyay is qabqabsi, isla-markaana aanu hadda shaqayneyn xafiiska degmada.
Faarax Aadan Salaad oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inaad ay u sarreyso is qabqabsiga beeleed ee ka jirta magaalada, ayna ka baqdin qabaan in xiisadda ay isu bedesho gacan ka hadal.
“Xaaladda magaalada ma ahan mid caadi ah, waxaana u sabab ah xiisadda taagan. Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jubbaland waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabtaan xiisadda ka jirta magaalada. Hadda ayay tahay in beelaha la soo kala dhexgalo, inta aysan xaaladda sii fogaan.” Ayuu yiri Faarax Aadan.
Bulshada reer Garbahaarey ayaa ka walaacsan xiisaddan ka soo korortay magaalada.