Wararka ka imanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa ay xaalad kacsanaan ah ka jirto degmadaasi.
Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii askar dacwad ka ahayd askari ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda ay maanta isku rasaaseeyeen agagaarka Saldhigga Booliska Luuq, iyadoo ninkaasi askariga ah la sheegay in ay la socdeen askar kale oo ku heyb ah.
Isku dhaca labada ciidan ee halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay askarigii, sida la sheegay ashtakada laga ahaa.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in Ciidanka Saldhigga Booliska ay kala dhex galeen labada ciidan, qaarkoodna ay ku guuleysteen inay soo xiraan, xaaladdii goobtana ay ku soo celiyeen sideedii hore.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in saacado ka dib maleeshiyaad ku heyb ah dhinac ka mid ah askartii uu isku dhaca dhex maray ay weerartay xaafad ay degan yihiin heybta askartii kale, tanina ay xiisadda u bedeshay mid u dhaxeyso laba ka mid ah beelaha deegaanka.
Xasan Cabdiqaadir Xuseen oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri “Intaas ka dib waxaa aano qabiil loo dilay gabar iyo hooyadeed, meelo ka mid ah magaaladana waa la gubay oo Suuqa Waratada uu ku jiro.”
Xasan Cabdiqaadir ayaa sheegay in uu socdo dadaalo ay dadka deegaanka ku baqtiinayaan dabka, oo sida uu sheegay ku fidaya qaybaha kale ee suuqaasi.
Dhanka kale askari ka tirsanaa booliskii kala dhex galay askarta uu isku dhaca ka bilowday ayaa la soo sheegaya in lagu dilay Degmada Luuq.
Askarigan oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdullaahi Gardhuub ayaa dilkiisa lala xiriirinaya inay gayteen garab ka mid ah labada maleeshiyo ee xiisadda ay u dhaxeyso.
Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay isku dhacyada qabaa’ilada ee ka soo cusboonaaday Luuq.
Korneyl Aadan Rufle ayaa sheegay in inta ay ogyihiin ay afar qof ku dhinteen xiisaddan, mid kalena uu ku dhaawacmay, isla-markaana uu jiro burbur hantiyadeed.
“Suuqii ganacsiga, xaafadaha kore iyo dhulkii biya baxada looga baxay ayaa wada gubanaya.” Ayuu yiri Aadan Rufle.
Si kastaba ha-ahaatee xaalad baqdin ah ayaa caawa ka jirta Degmada Luuq, dadkuna waxay ka baqdin qabaan in isku dhacu uu ballaarto, inkastoo Aadan Rufle uu sheegayo in maamulka iyo laamaha ammaanka ay isku dayayaan in ay xaaladda dejiyaan.