Home Dhacdooyin Xiisadda Xamaas & Israel oo hoos loo dhigay iyo waxa Xamaas lagu qanciyay

Xiisadda Xamaas & Israel oo hoos loo dhigay iyo waxa Xamaas lagu qanciyay

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa Sabtida sii deyn doona qaybtii lixaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga.

Ururka ayaa sheegay in saddex maxbuus ay sii deyn doonaan maalinta Sabtida ah, sidii horeyba loo qorsheeyay.

Xamaas ayaa waxay sheegtay in dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ay ballanqaadeen in wax laga qaban doono waxyaabihii ay ka cabanayeen ee keenay inay ku dhawaaqaan hakinta sii deynta maxaabiista Israel.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa Isniintii sheegay in Israel ay dib u dhigeyso in qoysaska barakacayaasha ay si caadi ah ugu soo laabtaan guryahooda, iyadoo la beegsaneysa duqaymo iyo rasaas ka dhaceysa meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza, mana ogola buu yiri in sahayda gargaarka ee nooc kasta leh ay soo gasho, sidii lagu heshiiyay. Abu Ubaida ayaa xilligaasi sheegay in sii deynta maxaabiista ay dib u bilaabi doonaan, haddii Israel ay muujiso inay niyad u hayso heshiiska.

Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay dagaal adag ka bilaabi doonto Marinka Gaza, haddii aan la soo sii deyn maxaabiista.

Hoggaamiyaha Israel ayaan ka garaabin cabashada Xamaas iyo eedeynteeda ku saabsan in xukuumaddiisa ay carqaladeynayso heshiiska.

Netanyahu oo ka duulaayay hadalka xanafta leh ee Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in xukuumaddiisu ay ka bixi doonto heshiiska xabad joojinta Gaza, haddii aan Sabtida la soo sii deyn maxaabiista.

Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejiga koowaadna ay tahay in Xamaas ay ku sii deyso 33 Israeliyiin ah, halka Israel-na ay tahay inay ku sii deyso 1,900 Falastiiniyiin ah.

Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ayaa 19-kii January ka dhaqangalay Marinka Gaza, ka dib in ka badan 15 bilood oo dagaal ah.

Xamaas iyo Israel ayaa tan iyo bilowgii xabad joojinta waxay sameeyeen shan jeer oo maxaabiis is dhaafsi ah. Xamaas ayaa sii deysay 16 qof oo Israeliyiin ah, halka Israel ay xabsiyadeeda ka sii deysay 566 Falastiiniyiin ah.

Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa Arbacadii iyo Khamiistii sameeyay dadaalo lagu badbaadinayo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac, taas oo keentay in Xamaas ay aqbasho inay sii waddo sii deynta maxaabiistii ay ka haysteen Israel.

Wafdiga Xamaas oo Khamiistii Magaalada Qaahira kula kulmay saraakiisha dhexdhexaadinta ayaa lagu qanciyay in gargaar dheeraad ah la gayn doono Marinka Gaza, sida ku cad qodobada heshiiska.

Xamaas ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar ay ka heleen ballanqaad dhab ah oo lagu xaqiijinayo heshiiska.

Xamaas ayaa horey Israel ugu eedeysay inaysan si sax ah ugu hoggaansameyn fulinta wixii lagu heshiiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Israel ay qaadeyso xanibaadda ay ku hayso qulqulka gargaarka ee Gaza, sida in la fasaxo gaadiidka Qaramada Midoobey ee ku xaniban Isgoyska Rafah ee u dhaxeeyo Marinka Gaza iyo Masar, isla-markaana ay ku raran yihiin qalabka dhismayaasha.

Israel ayaa sidoo kale qaadeyso is hortaagga ay ku hayso cagaf-cagafyada iyo gaadiidka kale ee lagu qaado qashinka iyo burburka ka dhashay guryihii Gaza la dumiyay.

Saraakiisha Israel ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Tel Aviv aysan ka bixi doonin heshiiska xabad joojinta, haddii Sabtida la sii daayo saddexda maxbuus.

Si kastaba ha-ahaatee doorka diblomaasiyadeed ee dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa keentay in lagu guuleysto hoos u dhigidda xiisaddii labada dhinac ee dib u soo cusboonaatay toddobaadkan. Tani ayaa waxay kaloo meesha ka saareysaa baqdintii ay dad badani ka qabeen in Sabtida uu dib u bilaaban doono dagaalka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc