Home Wararka Caalamka Xisbullah iyo Israel oo qarka u saaran dagaal toos ah

Xisbullah iyo Israel oo qarka u saaran dagaal toos ah

by Laacib

Marka laga soo taggo in Israel ay dagaal toos ah kaga jirto Marinka Gaza, haddana waxaa muuqata inay u tafa-xeedaneyso furin labaad, oo ay ka furto xadka ay la wadaagto dalka Lubnaan.

Indhaha dunida ayaa ku sii jeeda waqooyiga Israel iyo koonfurta Lubnaan, halkaas oo ku dhawaad muddo sagaal bilood ah ay gantaalo isku weydaarsanayaan Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah.

Inkastoo duqaymaha labada dhinac ay ku koobnaayeen deegaanada dhaca xuduudda ayaa waxaad arki kartaa, sida ay ugu sii dhawaanayaan dagaal toos ah oo xilligan dhex mara, marka aad milicsato kororka duqaymaha maalinlaha ah.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay garaacay Magaalada Nabatieh ee dalkaasi Lubnaan, waxayna Warbaahinta gudaha ay sheegtay in 5 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarada xagga cirka ah ee ka dhacay magaaladaasi.

Warbaahinta ayaa ku warantay in diyaaradaha dagaalka Israel ay sidoo kale burbur u gaysteen tobanaan guri iyo baabuur.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa si adag u cambaareeyay kororka weerarada, isagoona Israel ku eedeeyay in ay uga sii dareyso xaaladda gobolka.

Madaxda Israel ayaa marar badan ku hanjabay inay kordhinayaan weerarada, iyagoo ku andacoonaya in ay lagama maarmaan tahay burburinta Xisbullah, si guryahooda dib loogu soo celiyo 100,000 oo Israeliyiin ah oo ku barakacay xiisadda ka jirta dhanka soodinta.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa Arbacadii ku goodiyay in Israel ay Lubnaan ku celin doonto xilligii adkaa, laakiin ma doonayno buu yiri dagaal buuxa oo aan la galno Xisbullah.

Wasiirka oo booqasho ku joogo dalka Mareykanka ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Israel ay awood u leedahay inay burburiso Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa 19-kii bishan sheegay in xilli kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo iyaga iyo Israel.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa Israel uga digay dagaal aan wax xakameyn ah lahayn, haddii ay isku daydo inay weerar dhinaca dhulka ah ku soo qaaddo koonfurta Lubnaan.

Xoogaga wax iska caabinta ee ka jira dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen ayaa ku hanjabay in ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka, haddii uu qarxo dagaalkan indhaha lagu wada hayo.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan oo Arbacadii Caasimadda Washington ku qaabilay Wasiirka Difaaca Israel ayaa u sheegay in danta Israel aysan ku jirin furin labaad oo dagaal Bariga Dhexe ah.

Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby oo geba-gabadii kulankaasi Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in xiisadda loo maro waddada diblomaasiyadda.

Su’aal ahayd, haddii Madaxweyne Biden uu taageerayo duulaan ka dhan ah Xisbullah oo Israel ay ku qaaddo dalka Lubnaan oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay in maamulku uu hubin doono, haddii Israel ay haysato waxa ay u baahan tahay, si ay isu difaacdo.

Dhanka kale Dowladda Netherlands ayaa xalay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Lubnaan ugu baaqday in ay isaga baxaan dalkaasi, si aysan waxyeelo uga soo gaarin khatarta sii kordheysa ee u dhaxeysa Xisbullah iyo Israel.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in haddii uu dagaal dhaco, aysan Safaaradda Holland ee Lubnaan damaanad qaadi karin in dhammaan muwaadiniinta ay si nabad ah uga soo daadgureeyaan dalkaasi. Wasaaradda ayaa muwaadiniinta reer Holland ku adkeysay in hadda ay isaga baxaan dalkaasi.

Dowladda Jarmalka ayaa sidoo kale soo saartay bayaan kan la mid ah, iyadoo ugu baaqday dhammaan muwaadiniinteeda in ay si degdeg ah uga baxaan Lubnaan.

Jarmalka ayaa digniintan soo saaray, ka dib booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ay Arbacadii shalay ku tagtay Israel.

Annalena Baerbock ayuu safarkeedu la xiriiray isku day ay Berlin ku dooneysay in dhinacyadu ay ka fogaadaan dagaal dhan walba ah.

Baqdinta ugu weyn ee laga qabo dagaalkan ayaa ah inay ku lug yeeshaan dhinacyada shishieeye ee aanu sida toos ah u khuseyn.

Dagaalkan ayaa la qiyaasaya inaysan dibadda ka joogi doonin dhinacyada la kala safan Israel iyo Xisbullah, haddii ay xaaladdu qaraaraato.

Israel iyo Xisbullah ayaa loogu baaqaya in ay laba jeer ka fekeraan, ka hor inta aanu dhex marin dagaal aan waxba la isku reeban.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc