Home Wararka Caalamka Xisbullah oo bartilmaameedyo ka fulisay waqooyiga Israel

Xisbullah oo bartilmaameedyo ka fulisay waqooyiga Israel

by Laacib

Xoogaga Ururka Xisbullah ayaa Jimcihii bartilmaameedyo ka fuliyay waqooyiga Israel, iyagoona beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Israel.

Xoogaga Xisbullah ayaa la sheegaya in gelinkii dambe ee Jimcihii ay drones ku weerareen Magaalooyinka Nahariyya iyo Shlomi oo ku dhow xuduudda Lubnaan.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in ugu yaraan saddex ka mid ah Ciidanka Difaaca Israel ay ku dhaawacmeen duqaymahaasi.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Xoogaga Xisbullah ay weerar drones ah ka soo qaadeen koonfurta dalka Lubnaan.

Weerarkan ayaa qayb ka ah duqaymaha maalinlaha ah ee ay labada dhinac isku weydaarsadaan deegaanada xadka ee labada dal.

Khamiistii, Xisbullah ayaa garaacday xarunta difaaca cirka iyo gantaalaha ee ugu weyn Taliska Israel ee jiidda waqooyi, iyaga oo ka jawaabaya duqaymo ay Israel ka gaysatay Magaalada Nabatieh iyo tuulada Sohmor ee dalka Lubnaan.

Deegaanada xuduudda ayaa waxaa ku soo badanaya gantaalada ay isku weydaarsanayaan labada dhinac, iyadoona ay ku sii dhawaanayaan dagaal buuxa.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay baqdinta laga qabo in dagaal toos ah uu dhex maro Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel.

Xisbullah oo xulafo la ah Ururka Xamaas ee Ciidamada Israel kula dagaalamaya Marinka Gaza ayay saraakiisheedu sheegeen inaysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan waqooyiga Israel, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza.

Cabsida ugu weyn ee ay dadku qabaan ayaa ah in dagaalka uu ku wada fidi karo gobolka, haddii ay is fara saaraan Israel iyo Xisbullah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc