Ururka Xisbullah iyo Dowladda Lubnaan ayaa cashar ka bartay weeraradii ay Israel la beegsatay qalabka isgaarsiinta Xisbullah iyo aaladaha kale ee isgaarsiinta qaarkood ee laga isticmaalo dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Ururka Xisbullah uu gebi ahaanba ka mamnuucay dagaal-yahanada iyo shaqaalaha kale adeegsiga isgaarsiinta Pager iyo Walkie-talkie. Israel ayaa la sheegay inay Talaadadii iyo Arbacadii isku waqti ku qarxisay dadkii isticmalayay qalabkaasi.
Pager-ka waa isgaarsiin farriimaha qoraalada la isku dhaafsado, kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay adeegsanayeen Ururka Xisbullah. Walkie-talkie isna waa isgaarsiinta fooneeyaha, oo inta badan ay adeegsadaan ciidamada.
Qalabka gacanta ee lagu wada xiriiro ayaa muhiim u ahaa Xoogaga Xisbullah, ka dib markii ay horaan joojiyeen isticmaalka teleefanada
Xisbullah ayaa bilowday inay adeegsato aaladda farriimaha la isugu daro, ka dib markii Israel ay weerartay Marinka Gaza, markaas oo Xisbullah ay awaamiir ka soo saartay inaysan xoogageeda iyo shaqaalaheeduba isticmaali karin isgaarsiinta teleefanada, sida moobeelada casriga ah ee loo yaqaano (Smartphone).
Warbaahinta caalamiga iyo tan gobolka ayaa Saraakiisha Mareykanka iyo Lubnaan ka soo xigtay in Sirdoonka iyo Militariga Israel ay xaddi yar oo walxaha qarxa ah ay ku soo qariyeen qalabka gacanta oo xagaagii sanadkan uun loo keenay Xoogaga Xisbullah.
Weerarka ayaa dhaliyay khasaarihii ugu badnaa ee mar qura soo gaara iska caabinta Lubnaan, intii ay Xisbullah dagaalka kula jirtay Maamulka Israel. Xisbullah ayaa ka arrimisa koonfurta dalka Lubnaan.
Dhanka kale Hay’adda Duulista Rayidka ee Lubnaan ayaa Khamiistii soo saartay amar cusub oo dhammaan duulimaadyada caalamiga ah ay kaga mamnuuceyso in qalabkaasi la keeno dalka.
Hay’adda ayaa sheegtay in aan Pager iyo Walkie-talkie midna laga la soo degi karin Garoonka Diyaaradaha Rafic Hariri ee Caasimadda Beirut, isla-markaana aan lagu soo qaadan karin boorsooyinka ama shandadaha xamuulka ee rakaabka.
Tani ayaa ka tarjumeysa heerka cabsida sii kordheysa ee dalkaasi, ka dib markii isgaarsiintan Talaadadii iyo Arbacadii lagu qarxiyay dadkii ku wada xiriirayay.
Labada weerar ayaa galaaftay nolosha 37 qof iyo dhaawaca dhowr kun oo kale, oo ay ku jiraan boqolaal qof oo qaba dhaawacyo halis ah.
Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa Khamiistii Qaramada Midoobey ka codsaday in Israel laga joojiyo dagaalka teknolojiyadda ay bilowday.
Raysal Wasaaraha ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqay in ay mowqif adag ka qaataan gardarrada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa iyo dagaalka nooca teknolojiyadda ee ay waddo.
Raysal Wasaare Mikati ayaa codsigan jeediyay, ka hor kulanka Golaha Ammaanka ay Jimcahan ka yeelanayaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkaasi.
Sirdoonka iyo Militariga Israel ayaa la aaminsan yahay in ay tallaabadan u qaadaan, si ay u baqdin geliyaan Ururka Xisbullah ee weerarada ku haya waqooyiga Israel.
Xisbullah ayaa bishii October bilowday in ay gantaalo ku garaacdo waqooyiga Israel, si ay garab istaag ugu muujiso dadka reer Gaza.