Home Wararka Caalamka Xisbullah oo ku hanjabtay inay bartilmaameedyo cusub ka fulin doonto gudaha Israel

Xisbullah oo ku hanjabtay inay bartilmaameedyo cusub ka fulin doonto gudaha Israel

by Laacib

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa ku hanjabay inay weeraradooda ku ballaarin doonaan gudaha Israel, haddii aysan Tel Aviv joojin rayidka ay ku beegsaneyso dalka Lubnaan.

Hoggaamiyaha ayaa Israel uga digay in Xisbullah ay bartilmaameedyo cusub ka fulin doonto dhul hor leh, haddii ay Tel Aviv sii waddo duqaymaheeda ay ku dhibaateynayso shacabka Lubnaan.

Hassan Nasrallah oo Arbacadii khudbad uu jeediyay laga daawanayay shaashadaha dalkaasi ayaa wuxuu sheegay in sideed qof oo shacab ah lagu dilay weeraradii ay Israel maalmihii la soo dhaafay ka fulisay dalkaasi.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in duqayn ay Israel Talaadadii ka gaysatay koonfurta dalkaasi ay ku dhinteen shan qof oo saddex ka mida ay carruur yihiin.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay in Israeliyiintu ay arki doonaan Xisbullah oo garaaceysa deegaano cusub iyo dhiigga dad badan oo rayid ah oo daadanaya, mar kasta oo Israel ay si aan laga fiirsan u dhibaateyso shacabkooda.

“Sii wadidda beegsiga shacabka waxay iska caabinta ku riixi doontaa inay gantaaladoodu gaaraan deegaanada aan horey loo bartilmaameedsan.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbullah.

Ka dib 8-dii bishii October oo xiisadda labada dhinac ay soo cusnoonaatay ayaa waxaa la sheegaa in duqaymaha Israel ka gaysatay dalkaasi ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, oo ay ku jiraan 104 qof oo dad shacab ah.

Israel ayaa dhankeeda qiratay in gantaalaha Xisbullah ay kaga dhinteen 17 askari iyo 13 qof oo rayid ah, waxaana colaaddan ku barakacay shacab fara-badan oo labada dhinac ah.

Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ayaa dhanka kale ka digay in Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ku soo qaaddo koonfurta Lubnaan, haddii kalena ay la kulmi doonto cawaaqib daran.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegaya in haddii uu qarxo dagaal aan loo meel-dayin aanu jiri doonin wax taangiyo ah oo u hari doona Israel.

“Haddii taangiyadiinu soo galaan Lubnaan, wax taangiyo ah idinma hari doonaan.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbullah.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Israel ay bishii 10aad dagaal kaga jirto Marinka Gaza, halkaana lagu wiiqay cududdeedii ciidan.

Hadda, haddii ay furin kale oo dagaal ka furto jeeddeeda waqooyi ayuu sheegay inuu noqon doono midkii ay Tel Aviv ku burburi lahayd, isla-markaana ay isaga filan yihiin dagaal ballaaran oo ka dhex qarxa.

Hassan Nasrallah ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku garab taagan yihiin shacabka reer Gaza, illaa iyo inta ay Israel ka joojineyso dagaalka Gaza.

Hanjabaadaha ay dhinacyada isaga jeedinayaan qalabka Warbaahinta ayaa kordhinaya cabsida laga qabo dagaal gobolka gelin kara xaalad cakiran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc