Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xalay warsaxaafadeed kaga warbixiyay khasaaraha ay u gaysteen Ciidamada Israel, iyadoo Talaadadii ay 50 maalmood ku buuxsantay, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka soconaya xuduudda Lubnaan iyo Israel.
Xisbullah ayaa marka hore sheegtay in xoogageeda ay qaadeen 350 weerar oo ka dhan ah Ciidamada Israel, si looga hortago duulaanka dhinaca dhulka ee Israel ku soo qaadday koonfurta Lubnaan.
“110 askari ayaan ka dilnay ciidamada cadowga, 1,050 kale ayaana ka dhaawacnay, tan iyo markii uu bilowday dagaalka dhulka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Xisbullah.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Sidoo kale 18 askari ayaan ka dilnay, 32 kalena waanu ka dhaawacnay, ka dib markii maalmo ka hor ay ku dhawaaqeen inuu bilowday wejiga labaad ee hawlgalka.”
Warsaxaafadeedka ayaa lagu faah faahiyay qalabka militari ee laga burburiyay Ciidamada Israel, oo ay ku jiraan 48 taangi oo nooca Merkava ah, sagaal cagaf-cagaf, laba ka mid ah baabuurta gaashaaman iyo sideed diyaaradaha drones-ka ah oo la soo riday.
Xisbullah ayaa xaqiijisay in Ciidamadii Israel ee soo galay deegaanka Khiam ee xuduudda Lubnaan ay dib halkaasi uga baxeen, taasoo muujineysa waxa ay ku sheegtay dib u dhac ku yimid hawlgalka Israel.
Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in Ciidamadii Israel ee weerarka ahaa ay dib ugu gurteen weji iska caabin ah.
Xoogaga Xisbullah ayaa dhuunta u galay Ciidamada Israel ee loo soo diray inay burburiyaan kaabeyaashooda militari ee xuduudda iyo in ay Xisbullah ka saaraan waqooyiga Webiga Litani ee mara koonfurta Lubnaan.
Israel ayaa 23-kii bishii September weeraradeeda xagga cirka ku ballaarisay dalka Lubnaan oo dhan, iyadoona 1-dii bishii October ku dhawaaqday hawlgal dhinaca dhulka ah oo ciidamadeeda ay ka sameynayaan xadka koonfureed ee Lubnaan, si Xisbullah 30km looga fogeeyo dhulka xuduudda.
Dhowr iyo labaatan kun oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Israel oo ka qayb qaadanaya hawlgalka xuduudda ayay ku adkaatay in illaa iyo hadda ay xaqiijiyaan yoolashooda dagaalka.
Ma cadda waxa mustaqbalka iska bedeli doona saaxada dagaalka, balse illaa iyo hadda waxaa muuqata inaanan Xisbullah dhinaceeda dhulka la dhigin.