Xoogaga Xisbullah ayaa maanta duqayn xoogan ka gaystay deegaanka ay Israel deegaameynta ka sameysay ee Dafna.
Dafna ayaa ku dhow Kiryat Shmona oo dhacda dooxada Hula, iyadoo uu weerarkan noqonayo kiisii ugu horreyay ee Xisbullah ka gaysato deegaankaasi, tan iyo intii ay xiisaddan ugu dambeysay ka soo dhex cusboonaatay iyaga iyo Israel.
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xisbullah ay weerarkan qaadeen wax yar uun ka dib, markii duqayn ay dad rayid ah ku waxyeeloobeen ay diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen deegaanka Burj Al-Muluk ee dalkaasi Lubnaan.
Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan ayaa sheegay in xoogagooda ay duqayn culus ka gaysteen Dafna, iyagoo adeegsanaya tobanaan gantaal oo Katyusha ah.
Xisbullah ayaan sheegin khasaaraha ay gantaaladeeda gaysteen, balse waxay sheegtay in weerarku uu jawaab u yahay duqaynta Israel ka gaysatay Burj Al-Muluk.
Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in dhowr qof oo Suuriyaan ah oo carruur ku jiraan ay ku dhaawacmeen duqaynta Israel, xilli ay ku dhawaayeen teendhadii ay ku noolaayeen.
Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in Xoogaga Xisbullah ay u muuqdaan kuwo qorshahooda dab saarka ku ballaariyay Dafna.
Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa Arbacadii ku hanjabay inay weeraradooda ku ballaarin doonaan gudaha Israel, haddii aysan Tel Aviv joojin bartilmaameedyadeeda ka dhanka ah rayidka.
Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in maanta oo keliya ay 45 gantaal kaga soo dhaceen dhinaca dalka Lubnaan.
“Laakiin 30 gantaal ayaa la aqoonsaday. Qaar ka mid ah waxaa qabtay nidaamka difaaca hawada, qaarna waxay ku dhaceen goobo bannaan.” Ayuu talisku ku sheegay war uu soo saaray.
Warka ayaa lagu sheegay “Lama sheegin wax dhaawac ah, laakiin dab ka dhashay ayaa waxaa la tacaalaya adeegga dab demiska iyo kooxaha gurmadka.”
Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo 8-dii bishaasi gantaalo isku weydaarsanayay xuduudda.
Muddooyinkanba waxaa aad u kordhayay duqaymaha ay isku weydaarsanayaan deegaanada ku xeeran xudududa labada dal.
Kororka duqaymaha isaga kala gudbaya deegaanada xadka ayay dad badani ka walaacsan yihiin inay huriyaan dagaal gobolka oo dhan ah.
Cabsida ay dadku qabaan ayaa waxay tahay in duqaymuhu ay soo dedejiyaan dagaal aan waxba la isku reeban.
Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa Arbacadii ku celiyay in duqaymahooda ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta, keliyana ay joojinayaan, marka ay Israel soo afjarto weeraradeeda Marinka Gaza.