Home Dhacdooyin Xisbullah oo weerar aan horey loo arag kaga jawaabtay hanjabaad uga timid Israel

Xisbullah oo weerar aan horey loo arag kaga jawaabtay hanjabaad uga timid Israel

by Laacib

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ayaa xalay fiidkii weeraray Xarunta Wasaaradda Difaaca Israel ee Kirya ee Magaalada Tel Aviv, iyadoo laga jawaabayo hanjabaad Arbacadii shalay ka soo yeertay Wasiirka cusub ee Difaaca Israel, Israel Katz.

Wasiirka ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan dalka Lubnaan iyo dagaalka ay kula jiraan Urruka Xisbullah.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay dagaalka sii wadi doonaan, illaa iyo inta laga wiiqayo Xoogaga Xisbullah, lagana xaqiijinayo hadafkooda dagaalka ee la xiriira in shacabkii Israel ee barakacay dib loogu soo celiyo deegaanada waqooyiga Israel. Waxa kaloo uu sheegay inaysan xabadda joojineyn, illaa ay Xisbullah hub ka dhigis ku sameeyaan, ayna ka fogeynayaan waqooyiga Webiga Litani.

Saacado yar uun ka dib hadalkiisa, Xoogaga Xisbullah ayaa tiro drones iyo gantaalo ballaastik ah ku weeraray Xarunta Wasaaradda Difaaca Israel ee Kirya.

Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inaysan seegin bartilmaameedkeedii, isla-markaana ay si sax ah u garaaceen Xarunta Kirya.

Xisbullah ayaa isla xalay war kale oo ay soo saartay ku sheegtay in mar labaad ay xoogageeda garaaceen Xarunta Kirya ee Magaalada Tel Aviv.

Warka ayaa lagu sheegay in weerarka loo adeegsaday gantaalaha ballaastikada ee Qader 2, oo ah nooca ridada dheer.

Xisbullah waxay sheegtay in xarunta ay ku yaallaan Xarumaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidamada Israel, qolka hawlgalinta ee dagaalka iyo hay’adahooda kormeerka militariga.

Waa markii ugu horreysay oo Xisbullah ay si toos ah u bartilmaameedsato xaruntan, waana markii koowaad ay laba jeer weerarto maalin gudaheed.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem oo xalay soo duubay farriin muuqaal ahayd ayaa ku celiyay in Xisbullah ay ka go’an tahay inay si dhab ah uga jawaabto weerarada gardarrada ah ee uga imanaya Israel.

Hoggaamiyaha ayaa wacad ku maray in Ciidamada Israel ay ka fogeyn doonaan dhulka xuduudda ee Lubnaan, isla-markaana aysan ka tanaasuli doonin dagaalka, si ay u jebiyaan qabka Israel, sida uu yiri.

Xiisadda Israel iyo Xisbullah ayaa xoogeysanayay, tan iyo markii uu bilowday dagaalka xuduudda ee labada dal. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Israel ay 1-dii bishii October ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka sameynayaan deegaanada xadka ee dalka Lubnaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc