Xoogaga Xisbullah ayaa maanta weerar diyaarad drone ah loo adeegsaday ku qaaday hoyga uu Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku leeyahay Magaalada Caesarea (Qaysaria).
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in diyaaraddu ay ku qaraxday hoygaasi, oo Raysal Wasaaruhu uu waqti ku qaato maalmaha fasax ah, iyadoona weerarkan lagu soo beegay maalin Sabti oo Israeliyiintu ay shaqooyinka ka nastaan.
Hay’adaha ammaanka ayaa ciidan fara-badan ku soo daadiyay waddooyinka soo gala gurigaasi, waxaana Wariyeyaasha loo diiday inay goobta booqdaan.
Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Netanyahu iyo xaaskiisa ay ka maqnaayeen hoyga, xilligii uu weerarku dhacayay.
“Raysal Wasaaraha iyo xaaskiisa ma joogin goobta, mana jiraan wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Afhayeenka Xukuumadda Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in saddex diyaaradood lagu soo weeraray Israel, kuwaa oo mid ka mid ah ay beegsatay guriga, halka labada kalena la soo riday, balse aysan jirin cid wax ku noqotay, Netanyahu iyo afadiisana ay ka maqnaayeen.
Wargeyska Wararka Israel ee Walla ayaa sheegay in mashquul badan uu ka jiro hawada Israel, sababo ku aaddan Ciidanka Cirka Israel oo heegan buuxa la geliyay, si ay uga hortaggaan weerarada ceynkani oo kale ah.
Militariga Israel ayaa markii dambe sheegay in diyaaradaha drones-ka ah ay ka soo duuleen koonfurta Lubnaan, mid ka mid ahna ay ku dhacday dhisme ku yaala Qaysaria.
“Laba ka mid ah diyaaradaha ayaa la qabtay, diyaarad kale ayaa ku dhufatay dhismo ku yaala Qaysaria, wax dhaawac ah ma jiraan.” Ayaa lagu yiri warka militariga.
Weerarka ayaa yimid, ka dib markii Xisbullah ay xalay ku dhawaaqday dagaal weji cusub oo ka dhan ah Israel, si loogu khasbo in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo Gaza iyo Lubnaan.
Xisbullah iyo Israel ayaa muddo sanad ah ku lug lahaa is dhaafsi gantaalo, inkastoo xaaladda ay cirka isku shareertay dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay, ka dib markii Israel ay si qoto dheer ay dagaalka ugu fidisay dalka Lubnaan.
Israeliyiinta ayaa weerarkan ugu dambeeyay ee lagu qaaday hoyga Netanyahu u tixgelinaya isku day dil, laba cisho uun ka dib, markii Israel ay ku dhawaaqday in saaxada dagaalka laga saaray Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee Falastiin, Yahya Sinwar.
Xamaas ayaa Jimcihii xaqiijisay geerida Sinwar, kaas oo Arbacadii lagu dilay iska horimaad Xamaas iyo Ciidamada Israel ku dhex maray xaafadda Tel Al-Sultan ee deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.