Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay inay u gumadeen 11 qof, oo ku dhaawacmay weerar gantaalo oo Xisbullah ay ku qaadday Magaalada Tira ee bartamaha Israel.
Adeegga MDA ayaa qoraal ku sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan toddobo qof oo qaba dhaawacyo culus iyo saddex uu dhaawacoodu dhexdhexaad yahay.
Mid ka mid ah gantaalada Xisbullah ayaa waaberigii saaka ku dhacay dhisme la deganaa oo ku yaala Tira, sida ay Booliska Israel sheegeen.
Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaaray qaybta kore ee dhismahaasi.
Sidoo kale Xisbullah ayaa sheegtay inay garaacday Xarunta Taliska Sirdoonka Militariga ee ku taala xaafadda Glilot ee waqooyiga Magaalada Tel Aviv.
Xisbullah ayaa qoraal ku sheegtay in saaka ay dhowr gantaal la beegsatay Xarunta Taliska 8200 ee waqooyiga Tel Aviv.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in saddex gantaal oo laga soo tuuray koonfurta Lubnaan lagu soo weeraray duleedka Tel Aviv.
Xoogaga Xisbullah ayaa dhanka kale tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku bartilmaameedsaday saldhig ay leeyihiin Militariga Israel oo ku yaala duleedka Magaalada Haifa ee waqooyiga Israel.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in dhowr diyaaradaha aan lahayn lagu soo weeraray nawaaxiga Haifa, dadka deegaankana ay maqlayeen dhawaqa seeriga digniinaha.
Militariga Israel ayaa mar dambe war ay soo saareen ku sheegay in diyaaradaha ay ahaayeen saddex xabo, mid ka mid ahna ay suurtagashay in la soo rido, balse ma sheegin halka ay ku dambeeyeen labadii kale.
Diyaarad kaloo drone ah ayaa lagu beegsaday dhismaha warshad ku taala aagga warshadaha ee Magaalada Nahariya ee waqooyiga Israel.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa laga arki karay burbur warshadda ka soo gaaray weerarka.
Militariga ayaa sheegay in laba gantaal oo kale oo laga soo riday koonfurta dalka Lubnaan ay ku dhaceen waqooyiga Buuraha Golan ee Suuriya laga haysto.
Militarigu ma sheegin cid wax ku noqotay illaa 15 gantaal oo sida ay qireen saaka lagu soo weeraray deegaanada waqooyiga Israel.
“Qaar ka mid ah gantaalaha ayaa la qabtay, kuwa kalena waxay ku dhaceen meelo bannaan.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Militariga Israel.
Weeraradan ayaa keenay in si aan laga joogsi lahayn seeriga digniinaha looga maqlo waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan Galilee-da Sare iyo Acre.