Home Wararka Caalamka Xisbullah oo weerar uu dhiig badani ku daatay ka gaysatay Xerada Binyamina

Xisbullah oo weerar uu dhiig badani ku daatay ka gaysatay Xerada Binyamina

by Laacib

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay, in ka badan lixdan kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii Xisbullah ay xalay weerar drone ku qaadday saldhig lagu tababaro Ciidamada Israel oo ku yaala koonfurta Magaalada Haifa.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda Xisbullah ay si xeeladeysan uga baxsatay nidaamka difaaca hawada ee Israel, isla-markaana ay beegsatay saldhigga ku yaala deegaanka Binyamina ee waqooyiga Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in afar askari ay ku dhimatay weerarka, illaa lixdan kalena ay ku dhaawaccmeen.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay goobta ka daadgureeyeen dhaawacyada in ka badan 60 askari.

Adeegga MDA ayaa sheegay in askarta qaarkood ay soo saareen dhaawacyo halis ah, haddana lagu dabiibayo xarun caafimaad oo ku taala Magaalada Hadera.

Saldhigga la weeraray ayaa si gaar ah loogu tababaraa Guutooyinka Golani ee ka tirsan Ciidanka Difaaca Israel.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in weerarka uu jawaab u yahay duqaymaha baahsan ee ay Israel ka waddo koonfurta Magaalada Beirut iyo koonfurta Lubnaan.

Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay u adeegsatay raxan drones-ka is qarxiya ah.

Warbaahinta Israel ayaa weerarka ku sheegtay kiisii ugu khasaaraha badnaa ee ay Xisbullah ka gaysato gudaha Israel, tan iyo markii ay colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay labada dhinac.

Weerarka ayaa walaaca ku kordhiyay Israeliyiinta ku nool waqooyiga Israel, gaar ahaan Magaalada Haifa iyo nawaaxigeeda.

Si kastaba ha-ahaatee Militariga Israel ayaa magacyada askarta ku dhimatay weerarka ku kala sheegay Omri Tamari, Yosef Hieb, Yoav Agmon iyo Alon Amitay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc