Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay geerida Ibrahim Aqil iyo xubno kale oo ka tirsanaa ururka, kuwaa oo Jimcihii lagu dilay duqayn ka dhacday koonfurta Caasimadda Beirut.
Bayaan ka soo baxay Xisbullah ayaa lagu sheegay in xubnaheeda lagu dilay dhagar ay ka dambeysay Israel.
CNN ayaa ku warantay in duqaymo ba’an oo Israel ka gaysatay koonfurta Beirut lagu dilay 31 qof, oo uu ku jiro Ibrahim Aqil oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee Ururka Xisbullah.
Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in sarkaalkaasi iyo saraakiisha kale ee lala dilay ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah bulshooyinka Galilee ee waqooyiga Israel.
Mareykanka ayaa horey 7 milyan oo dollar u duldhigay madaxa Aqil, kaas oo looga shakiyay inuu ku lug lahaa weerarkii 18-kii bishii April ee sanadkii 1983-kii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Beirut, oo ay ku dhinteen 63 qof oo 17 ka mid ah ay American ahaayeen.
Mareykanka ayaa sidoo kale Aqil la xiriirinayay ku lug lahaanshaha weerarkii bambaano ee isla sanadkaasi lagu qaaday Xerada Ciidamada Badda ee Beirut, oo lagu dilay 241 askari oo Mareykan ah iyo 58 askari oo kale oo Faransiis ahaa.
Aqil ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sarreyay ee laga dilo Ururka Xisbullah, ka dib weerarkii xagga cirka ahaa ee 30-kii bishii July lagu dilay Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fuad Shukr.