Home Wararka Caalamka Xisbullah oo xaqiijisay inuu geeriyooday Hassan Nasrallah

Xisbullah oo xaqiijisay inuu geeriyooday Hassan Nasrallah

by Laacib

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday Hassan Nasrallah, ka dib qaraxyadii waaweynaa ee Jimcihii ka dhacay koonfurta Caasimadda Beirut.

Xisbullah ayaa muujisay in hoggaamiyahoodii uu ku geeriyooday weerarkii ay diyaaradaha dagaalka Israel ka fuliyeen xaafadda Dahieh.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa dhulka la simay dhowr dabaq oo la degan yahay, iyagoo isku dayaya inay dilaan Hoggaamiyihii Xisbullah, oo sida ay sheegeen shir hoggaamineed ku qabanayay xarun dhulka hoostiisa ah.

Taliska Militariga Israel ayaa war ay maanta soo saareen ku sheegay in Hassan Nasrallah lagu dilay hawlgal ay diyaaradahooda dagaalka ku burburiyeen Xarunta Dhexe ee Ururka Xisbullah. Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee ay Israel ka gaysato dalka Lubnaan, muddo 18 sano ah.

Ciidanka Cirka Israel ayaa xalay si qoto dheer u garaacay illaa soddon bartilmaameed oo ku yaala Magaalada Beirut, iyadoona ay Israel ku sheegtay inay ahaayeen xarumaha Ururka Xisbullah.

Xisbullah ayaa wacad ku martay in xoogageeda ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Israel, isla-markaana aysan dib uga laaban doonin taageeradooda shacabka Falastiiniyiinta.

Hassan Nasrallah ayaa bishii February ee sanadkii 1992-kii noqday Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, ka dib markii la dilay hoggaamiyihii isaga ka horreyay, waa Abbas Al Musawi.

Al Musawi oo xilka ururka qabtay bishii May ee sanadkii 1991-kii ayay Israel shirqool ku dishay, isagoo xilka ku magacaaban wax ka yar hal sano.

Nasrallah oo 64 jir ahaa ayaa kala bar noloshiisa hoggaaminayay Xisbullah, waxaana uu dhisay ururka aan dowliga ahayn ee militari iyo siyaasad ahaanba ugu xoogan Gobolka Bariga Dhexe.

Shacabka Lubnaan iyo kooxaha wax iska caabinta ee gobolka ayaa waxaa muuqata inay ka carreysan yihiin hawlgalka ay Israel ku dishay ninkaasi.

Israel ayaa qaadatay go’aanka lagu dilay Hassan Nasrallah, iyadoo dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolkaba ay ka soo horjeedaan in looga sii daro xiisadda gobolka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu dhalleeceeyay in uu qaatay mowqif aad khatar u ah, kaas oo cawaaqib ba’an ku yeelanaya dadka gobolka.

Netanyahu ayaa quwadaha reer galbeedka ee Faransiiska iyo Mareykanka ku gacan seyray hindise xabad joojineed, oo si ku-meel-gaar ah loogu hakinayo xiisadda kala dhaxeysa Lubnaan, si fursad loo siiyo wada hadalada diblomaasiyadda, si dagaal la’aan ay guryahooda ugu soo laabtaan Israeliyiintii kol hore ku barakacay rabshadaha xuduudda ee labada dal.

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay isku dayada uu Netanyahu ku ballaarinayo colaadda gobolka.

Hadda xiisadda Bariga Dhexe waa mid aad u kacsan, iyadoo shacabka Israel ay baqdin badan muujinayaan, lamana oga waxa uu ku dambayn doono masiirka gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc