Home Wararka Caalamka Xoghaye Guterres oo cambaareeyay xasuuqa Israel ka waddo waqooyiga Gaza

Xoghaye Guterres oo cambaareeyay xasuuqa Israel ka waddo waqooyiga Gaza

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa cambaareeyay hawlgalka aan kala sooca lahayn ee ay Ciidamada Israel ka wadaan waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay ku bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah.

Militariga Israel ayaa lagu dhalleeceeyay in ay si khasab ah ku barakacinayaan dadka rayidka ah, ayna dilayaan, isla-markaana ay ka hortaagan yihiin in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo.

Kuxigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Farhan Haq ayaa sheegay in Israel uu waajib ka saaran yahay inay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey si cad ayuu u cambaareeyay dadka faraha badan ee dhimashadoodu iska socoto ee gudaha Gaza, oo ay ku jiraan kuwa ku dhintay duqayntii Israel ee ka dhacday Beit Lahiya, duqayntaas oo lagu dilay daraasiin Falastiiniyiin ah oo carruur iyo haweenba lahaa.” Ayuu yiri Farhan Haq.

Farhan Haq ayaa yiri “Maatida waa in si walba loo xaqdhawro, naftoodana la ilaaliyo. Xoghayaha Guud wuxuu ka digay xaaladda sii xumaaneysa ee halista gelinaysa shacabka waqooyiga Gaza, ee sababeysa barakaca baahsan iyo in ay meesha ka baxaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.”

Haq ayaa intaasi ku daray “Xoghayaha Guud wuxuu ku baaqay in waddooyinka si degdeg oo shuruud la’aan ah loogu furo gargaarka bani’aadantinimo iyo kooxaha badbaadada, si ay u badbaadiyaan nafo badan.”

Dhanka kale dadka rayidka ah ee ay u suurtagashay inay ka baxsadaan xerada qaxootiga Jabalia ee sida weyn loo go’doomiyay ayaa sheegay inay arkayn meydad daadsan waddooyinka xeradaasi. Dadkan ayaa ku dhintay toogashada iyo duqaymaha ay Ciidamada Israel gaysanayaan.

Kooxaha samatabixinta ee ka hawlgala waqooyiga Marinka Gaza ayaan gaari karin xeradaasi, sababtoo ah Ciidamada Israel oo bartilmaameedsanaya.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay halkaasi ka gaysanayaan, waxa ay ku sheegeen xasuuq bahalnimo ah.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ka hortagayaan in Xoogaga Xamaas ay dib isugu soo uruursadaan waqooyiga Marinka Gaza.

Hase yeeshee kooxaha samafalka ayaa sheegay in hawlgalku uu dhaafsiisan yahay Xamaas, uuna yahay mid lagu beegsaneyso cid kasta oo halkaasi ku sugan.

Xarunta Xuquuqul Insaanka Falastiin ee fadhigeedu yahay Gaza ayaa hawlgalkan ku sheegtay mid isir sifeyn ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc