Home Wararka Caalamka Xoghaye Guterres “Xabad joojinta Lubnaan waa raadkii ugu horreyay ee rajada nabadda”

Xoghaye Guterres “Xabad joojinta Lubnaan waa raadkii ugu horreyay ee rajada nabadda”

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa xabad joojinta laga sameeyay Lubnaan iyo Israel ku tilmaamay raadkii ugu horreyay ee rajada nabadda ee Gobolka Bariga Dhexe.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xabad joojinta ay ku heshiiyeen Israel iyo Xisbullah ay muujineyso rajo, ka dib billo ay colaadda gobolka xoogeysaneysay.

“Waxaan shalay helay calaamad wanaagsan, oo ah iftiinka ugu horreya ee rajada nabadda, iyadoo lagu jiray mugdiga billihii la soo dhaafay.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Lisbon ayuu sheegay in waqtigan uu muhiimad weyn u leeyahay dadka rayidka ah.

“Waa waqti muhiimad weyn leh, gaar ahaan dadka rayidka ah oo qiimo weyn ku bixinayay colaaddan sii fiday.” Ayuu yiri António Guterres oo ka garab hadlayay Raysal Wasaaraha Portugal, Luís Montenegro.

Xoghaye Guterres ayaa dhinacyada ku booriyay inay ka fogaadaan wax kasta, oo keeni kara in lagu xadgudbo heshiiska xabad joojinta.

“Waa lagama maarmaan in kuwa saxiixay heshiiska, isla-markaana ballanqaaday xabad joojinta ay si buuxda u ixtiraamaan.” Ayuu yiri Guterres.

Guterres ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka dadka badan ku dhimanayaan ee ka socdo Marinka Gaza.

Israel iyo Xisbullah ayaa aqbalay xabad joojin 60 maalmood ah, oo haddii aan la jebin ay mustaqbalka sii socon doonto.

Xabad joojintan ayaa soo afjareysa dagaal ku dhawaad muddo laba bilood ah Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel ku dhex marayay deegaanada xuduudda ee labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hal sano oo xiriir ah ku lug lahaa gantaalo isaga gudba dhulka xuduudda ee labada dal.

Ka dib markii Israel ay 1-dii bishii October ku dhawaaqday hawlgal dhinaca dhulka oo ciidamadeeda ka sameynayaan xadka koonfureed ee Lubnaan ayaa waxay taasi calaamad u noqotay fiditaanka dagaalka gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc