Dagaalyahano fara-badan oo Falastiiniyiin ah ayaa la sheegaya in Axaddan ay gudaha u galeen koonfurta Israel, iyagoona dagaal kula jira Ciidanka Difaaca Israel.
Warbaahinta Israel ayaa tebisay in dagaalyahanadu ay kubaareeyeen Magaalada Magen, isla-markaana uu halkaasi dagaal culus ku dhex marayo iyaga iyo Ciidanka Israel.
Warbaahinta ayaa sheegtay in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, Ciidanka Israel-na ay xoogagaasi u adeegsanayaan taangiyo.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Israel oo lagu magacaabo Daniel Hagari ayaa xaqiijiyay in dagaalo culus ay ka soconayaan goobo ku yaala koonfurta Israel.
Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in ay tagi doonaan dhammaanba aagagga ku dhow dhow xadka Israel iyo Gaza, isla-markaana ay ka saari doonaan waxa uu ku sheegay argagixisada.
“Waan gaari doonnaa goob kasta iyo magaalo kasta, illaa aan ka dileyno argagixisada ku sugan xuduudda Israel.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta ka digay in dagaalku uu sii daba dheeraado, xilli dagaalka labada dhinac uu galay maalintii labaad.
Maamulka Falastiin ayaa ku baaqay in shir degdeg ah isugu yimaadeen Jaamacadda Carabta, si looga arrinsado xiisadda ka soo korortay Bariga Dhexe.
Mohannad Aklouk oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Falastiin u jooga Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inuu gudbiyay codsi ku aaddan shir degdeg ahi, oo ay isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee gobolka.
“Kulanka degdegga ah wuxuu imaanaya, iyadoo la eegayo gardarada joogtada ah ee Israel ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, oo ay ku jirto kor u kaca duulaanka lagu qaaday Dhismaha Masjidka Al-Aqsa, oo ay gaysteen kumanaan dad ah iyo Saraakiil Israeliyiin ah maalmihii la soo dhaafay.” Ayuu yiri Mohannad Aklouk.
Dagaalka labada maalmood socdo ayaa galaaftay nolosha in ku dhow kun qof. Warbaahinta Israel waxay sheegtay in illaa lix boqol oo qof lagu dilay weerarka weli ka socdo gudaha Israel.
Dagaalkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu dhiig daadashada badnaa ee labada dhinac isaga horyimaadaan, muddo tobanaan sano ah.